Baarlamanka oo amar culus siiyay wasaaradda maaliyadda Dowladda

Baarlamanka Soomaaliya ayaa mudo u qabtay Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya inay soo bandhigto gunada ku baxda ciidamada dowlada Soomaaliya ee ka dagaalaya Gobolada dalka.

Kadib markii maalintii shalay Baarlamanka Soomaaliya uu ogalaaday Ansixinta Miisaaniyada ay ku shaqaynayso Xukuumada Soomaaliya ayaa baarlamanka waxaa uu baadi goob ku bilaabay lacagta Ciidanka ay qaataan in la soo ogaado.

Mahad Cabdala Cawad Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu galayo fasax islamarkaana Bisha March 03-deeda Xukuuumadda Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada maaliyada looga fadhiyo inay keento dhaqaalaha ku baxo ciidanka.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa ku doodaya in gunada ay ciidamada Dowlada qaataan ay tahay mid aad u hoosaysa waxaana ay rabaan in loo kordhiyo ciidamada gunada ay qaataan Islamarkaana waxaa ay ka horyimaadeen mudanayaasha baarlamanka in ciidanka Amisom ay ka  guno badnaadaan Kuwa dowlada.