Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo maareyn la’  khilaafyada ka dhex dhalanayo Maamul Goboleedyada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta dowladda Soomaaliyeed oo uu wasiir u yahay Cabdi Faarax Juxa ayaa ku fashilantay siyaasadda ku aadan xakameynta Khilaafyada ka dhex bilowday Maamul Goboleedyda oo ay ugu dambeyso Maamulka Galmudug oo hadda marayo meel halis ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa wax xal ah u weysay arrintaas, sidoo kalana waxay wasaaradda ku fashilamatay inay xaliso khilafyadaas iyadoo aysan waxba taban dhinacyada is hayo isla markaasna la gaaro xal siyaasadeed.

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo aan laheyn qibrad wanaagsan oo ku aadan xillinta khilaafyada, Federalism-ka iyo sida xal loo raadiyo marka ay dhibaato taagan tahay ayaa isugu soo aruurtay inay deegaanada Maamul Goboleedyada gaaraan marka Baarlamaanka cod qaado isla markaasna ay markasta garab istaagaan dhinaca ay taageerasan yihiin halka laga rabay inay xalka raadiso marka uu khilaafka taagan yahay isla markaasna uusan soo bixin wax go’aan lagu muransan yahay ah.

Xildhibaan Fiqi oo xalay bartiisa Facebook soo dhigay warbixin ayaa ka dhawaajiyey sir qarsooneyd oo ah inay Wasaaradda Arrimaha  Gudaha marqaati beenaad ka sameysay xil ka qaadistii lagu sameeyey madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cosoble.

Wuxuu Xildhibaanka sheegay inaysan wasaaradda diyaar u ahey inay xalka raadiso inta ay goor goor tahay balse ay markasta qorsheyso inay dhinaca danta ugu jirto u rido natiijada, wuxuuna sheegay Fiqi in Maamulka Galmudug uusan marnaba aqbali doonin inay Wasaaradda Arrimaha Gudaha marqaati beenaad ka sameyso khilaafka taagan haddii aysan hadda xal keenin.