Wasiir Eng. Cabdirashiid Oo Maraya Wadadii Doorasho Ee Wasiir Maxamed Farkeeti

Wasiir Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Warshadaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo xog waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu maro jidkii uu ku guuldarreystay Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda  ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed oo lagu tilmaamo inuu ka tirsan yahay Xisbiga Damu-Jadiid ayaa loola siyaasadeed ka wado Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, si uu ugu guuleysto doorashada Xildhibaannimada ee Aqalka Hoose.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira loolan siyaasadeed oo adag kana dhexeeya Xisbiga Damu-Jadiid iyo dowlad Gobolkeedka uu madaxweynaha ka yahay Shariif Xassan Shiikh Aadan, kaasoo lagu tilmaamo inuu yahay rug caddaa si weyn saameyn ugu leh guud ahaan siyaasadda Soomaaliya.

Waxaa sii bidhaamaya, guuldarradii ku dhacday Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) kaasoo doonayey inuu noqdo Mudane Xildhibaan oo Aqalka Hoose ah kaasoo si gaar ah u matalaya Xisbiga Damu-Jadiid, laakiin arrimo loo sababeeyey rabitaanka maamulka Shariif Xassan ayuu xilkaas ku waayey.

Haatan, sidaas oo kale ayaa la filayaa inay ku dhacdo Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed, sid ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen Caasimadda Online. Sababtuna waxay tahay Wasiir Eng. Cabdirashiid wuxuu doonayaa xilka guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya.

Bedelkeeda, Shariif Xassan wuxuu ku dadaalayaa in aysan booskaan gacanta ku dhigin Xisbiga Damu-Jadiid ama shaqsi ay shaqo wadagaan maadaama ay xaalka ku adkeyn karto Xilliga Doorashada Madaxweyne ee dalka, tiiyoo uu  Shariif Xassan yahay musharrax u taagan xilka madaxweyne ee dalka Soomaaliya.

hello-eng

Si gaar ah, wuxuu Shariif Xassan ugu xisaabtami doonaa codadka kasoo baxaya Maamul Goboleedkiisa, mana doonayo in Koonfur Galbeed ay haatan Mudane Xildhibaan usoo doortaan Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed oo khilaaf mustaqbalka ah uu dhexmari karo maadaama lagu xanto inuu yahay shaqsi Damu-Jadiid ah.