Xoghayihii joogtada ee wasaarada A/gudaha oo eedeymo culus shaqada looga joojiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Somalia Cabdi Faarax Juxa, ayaa waxaa shaqada looga joojiyay Xoghayihii Joogtada ee KMG ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim.

Wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in Xoghayihii Joogtada Wasaarada laga joojiyay shaqada ilaa iyo amar danbe.

Warar hoose ayaa sheegaya in shaqo ka joojinta Xoghayihii Joogtada ay tahay mid la xiriirta cabasho ka timid shaqaalaha wasaaradda.

Shaqaalaha Wasaarada ayaa Xoghayihii Joogtada ku eedeeyay xadgudub hanaanka shaqada iyo wado shaqeyn la’aan.

Waxaa si kumeel-gaar ah shaqooyinka uu hayay Xoghayihii Joogtada Wasaarada loogu magacaabay C/llaahi Maxamuud Xasan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com