Wasiir ka tirsan DF oo loo arko qofka qura ee xalin kara muranka DF iyo maamullada (Sabab?)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 28 Bishaan Muqdisho kulan ugu qaban doono Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya si looga wada hadlo khilaafka meesha sare gaaray ee u dhaxeeyo dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Haddaba Caasimadda Online ayaa baaritaan ku sameysay sida arrintaan loo wajahyo iyo  Mas’uulka kaliya ee dowladda ka tirsan oo ay Maamul Goboleedyada ku kalsoon yihiin inuu dhex dhexaadiyo dowladda dhexe iyo Iyaga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid (Juxa) ayaa loo arkaa inuu yahay shakhsiga kaliya ee dowladda ka tirsan kaasoo aan faraha la gelin khilaafka Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada, sidaas darteed waa Mas’uulka kaliya ee dowladda Soomaaliya ka tirsan kaasoo awood u leh inuu dhameeyo khilaafka ka dhex taagan madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda Dhexe.

Cabdi Faarax Saciid Juxa oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed, isla markaasna xilal kala duwan kasoo qabtay dalka Soomaaliya ayaa inta badan la sheegaa inuu awood u leeyahay inuu dib u heshiisiinta qeyb fiican ka qaato, isla markaasna Khubarda xagga falanqeynta Siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan inuu yahay Juxa Mas’uulka kaliya ee maanta dhameyn karo Khilaafka ka taagan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe oo isku hayo waxyaabo dhawr ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii hore garab martay isla markaasna aan awood buuxda u siin inuu Juxa qabsado shaqadiisa, maadaama uu yahay Wasiirka qaabilsan Federaalka iyo dib u heshiisiinta, waxaana hadda muuqato inay dowladda dhexe  ka faa’ideysaneyso khibrada iyo howlkarnimada Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda Wasiirka u madax banaaneysay inuu qabsado shaqadiisa isla markaasna uu kala dhexgalo Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe, waxayna xogta hoose sheegeysaa inuu Juxa leeyahay kaalinta iyo soo jeedinta ugu weyn shirka 28 Bishaan ka dhici doono Muqdisho, maadaama dowladda dhexe ay arrintaas ku fashilmatay.

Juxa ayaa ka dhawrsaday inuu faraha la galo faragelinta ay dowladda dhexe ku sameysay Madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana midaas caddeyn ugu filan inuusan Juxa marnaba fikir iyo ficilba ku laheyn faragelintii lagu sameeyey Galmudug iyo ololihii lagu doonayey in meesha looga saaro Xaaf.

28 Bishaan ayaa la filayaa inuu Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa soo afjaro khilaafka Madaxda Maamul Goboleedyada, iyadoo lagu dhaqmayo Dastuurka iyo nidaamka dowliga ah ee loo xaliyo khilaafyada noocaan oo kale ah.

Prof. Xuseen Muuse Waasuge, oo ah aqoonyahan ku takhasusay Siyaasadda, sidoo kalana falanqeeyo siyaasadaha Soomaaliya oo la hadlay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay inuusan Khilaafka Dowladda iyo Maamul Goboleedyada gaari laheyn heerkaan, haddii Mas’uul kaste xilkiisa lagu tixgelin lahaa, wuxuuna aaminsan yahay in haddii Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta loo dhaafi lahaa shaqadiisa aysan marnaba is khilaafi laheyn Maamul Goboleedyada iyo Dowladda dhexe.

Ugu dambeyntii Prof. Xuseen ayaa rajo fiican ka muujiyey in la dhameyn doono khilaafkaan cirka isku shareeray, wuxuuna Wasiirka Arrimaha Gudaha ugu baaqay inuu shaqadaas si daacidnimo ah uga soo baxo isla markaasna wuxuu tilmaamay inuu taariikhda Soomaaliya baal dahab ah ka geli doono haddii uu wadahadalkaan ku guuleysto oo uu Prof-ka aaminsan yahay inuu Wasiirka Khibrad iyo waayo aragnimo buuxda u leeyahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com