Mahad Salaad oo si xishood la’aan ugu fal celiyay gargaar uu sameeyay musharax Ameriko

Muqdisho (Caasimada Onlien) – Wasiiru dowlihii madaxtooyada Villa Somalia, Mahad Salaad, haddana ah xildhibaan xoog iyo musuq-maasuq lagu soo doortay ayaa jawaab fal celin ah ka bixiyay qoraal toosin, tusaaleyn iyo wax u qabasho oo uu soo dhigay bartiisa Facebook Amb. murashax Maxamed Cali Ameeriko, uguna hadlayay wiil yar oo 12 jir ah, kaasoo aan helin xuquuqdii uu ku lahaa dowladda uu ka tirsanaa Wasiir Mahad.

Wasiir Mahad ayaa ka xumaaday qoraalka Amb. Ameeriko oo uu ku sheegayay in Ismaaciil Yare oo 12 jir ah haysan waxbarasho lacag la’aan ah, kabahana caseeyo, wixii uu ka helana hooyadiis oo haysa walaalahiisa oo agoon ah ku biilo, erayadaasi oo damiirkiisa kicisay Amb. Ameeriko, isagoo damaanad qaaday waxbarashadiisa, shacabka Soomaaliyeedna u weydiiyay taageero.

Qoraalka Ameeriko ayaa ahaa sidan: 

“Maanta anigoo jooga maqayad ku taal Xamar, wiilkaan yar, Ismail, wuxu igu yiri “Adeer kabaha Ma kuu casayn karaa?” Aniga Iyo dadki ila socday waan u dhiibanay kabahena inuu noo soo caseyo. Marku soo caseeyay ayan ku iri ii sheeg telefonkada si aan kugu soo diro lacagta, number ayuu I siiyay oo igu yiri waa numberka hoyaday. Waxan waydiyay adiga number Ma qabtid miyaa, waa qabaa laakin wixi aan shaqeyo hoyaday ayan u diraa ayu yiri , oo guriga joogto oo walaalahay ayay haysaa, Aabahayna wuu dhintay. Wuxu igu yiri 12 sano ayan jiraa, laba Maalmood Kaliya Ayaan skool adaa sababtoo aha Ma bixin karno lacagta skoolka. Wuxuu ii sheegay inuu dhigto fasalka labaad ee dugsiga hoose, waxay ahayd inuu dhigto fasalka 6aad AMA 7aad. Skuul lacag la’aan inuu helo ayay ahayd, sidaan markaan yarayn wax ugu soo baranay. Wiilkaan oo kale ayaa Somaliya ka buuxa, oo u baahan kaalmo. Walaalayaal aan kaalmayno dhibayanaasha. Insha Allah skoolka Ismail waan ka bixin doonaa. Walaalayaal qofki rabo inuu kaalmeeyo Ismail, fadlan ugu dira hoyadiis Jamila , +252618713296.”

Jawaabta Mahad Salaad ayaa ahayd sidan:

“Asc asxaabey. Salaan kadib Safiirku waa mahadsanyahay. Wuxuu la kulmay Safiirku sida uu noo sheegay wiil danyar ah. Agoona ah. Schoolna dhigta. Kadibna wuxuu Safiirku noo soo bandhigay inla kaalmeeyo wiilkaas yar.!

Hadaba waxaa iga su’aal ah:

Hadiiba Safiir Ali la kulmay wiilkaas yar ee Agoonka ah. Maadaaba uu rabo Safiirku inuu hugaamiyo Ummad, una sharaxanyahay Madaxweyne inuu u noqdo dhowr iyo toban milyan oo Soomaali ah ma halkaas wiil ayuu kafaala qaadi waayay Safiirku..?!

Hadaba anigoo xildhibaan ah, aaminsana Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed in mas’uuliyadi iga saarantahay waxaan kafaala qaadaya waxbarshada wiilkaasi yar. Isaga oo dhigan doona school lada dowladu leedahay ee sida lacag la’aanta ah kumanaanka ardayda ah sida Ismaaciil oo kale wax uga bartaan. Inta aan noolahayna aniga ayaa kafaala qaadaya noloshiisa iyo inshaa’allaah. Mahadsanidiin”

Hadaba Wasiir Mahad ma wuxuu ka xun yahay in la tuso mas;uuliyiinta madalaa shacabka dhibaateysan kaalintii ay gabeen?.

Wasiir Mahad iyo inta la midka ah ee xilka u haaya shacabka Soomaaliyeed ee aan helin xuquuqdii ay ku lahaayeen, maxaa kusoo baraarjuiyay wiilkaan yar ee Maxamed Cali Ameeriko ka dhiidhiyay dhibaatada waxbarasho la’aan ee haysato, malaayiin la mid ahse inay jiraan ma moog yahay wasiir Mahad.

Dadkii ka fal celiyay jawaabta Mahad Salaad iyo Maxamed Cali Ameeriko ayaa waxay ku dhaliileen Mahad Salaad in mas’uuliyad daro tahay jawaabta uu soo dhigay bartiisa Facebook, kuna karbaasheen iyagoo ku sheegay fariimahooda in dowladda uu ka tirsan yahay xaquuq ay bixiyaan iska daayee shaqaalaha u shaqeeya xuquuqdooda daboooli waayeen.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA AMEERIKO IYO MAHAD SALAAD ee Facebook

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com