Wasiir shaaciyay heerka uu iminka gaarsiisan yahay dayacaada Kheyraadka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow ayaa si adag uga hadlay dhibaatada ay dowladaha shisheeye ku hayaan kheyraadka Badda Somalia.

Wasiir Qaloocoow, waxa uu cadeeyay inaanu jirin Kheyraad uu leeyahay dalka oo iminka ku jira gacanta dowlada Somalia.

Waxa uu Wasiirka tilmaamay in dowlada Federaalka ay ka gaabisay difaaca Kheyraadka Biyaha Badda Soomaaliya oo uu sheegay inay maamulanayaan dowlado shisheeye.

Qaloocoow waxa uu sidoo kale, dowladda Somalia ka dalbaday inay sameyso is xilqaam madaama ay kabaxday kumeel gaarkii, isla markaana ay xoojiso difaaca biyaha badda Somaaliya.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in loo baahan yahay in Xukuumada Somalia ay ku baraarugto dhibaatooyinka ay geysanayaan maraakiibta Shisheeye lana horgeeyo Golaha Wasiirda Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada maaliyada waxa uu sheegay xili uu Maanta booqday Akeemiyada Cilmiga Badda Khaliif Macoow oo uu Maanta booqday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com