Wasiir sheegay in R/W Kheyre uu faro-galin ba’an ku hayo shaqooyinkii loo igmaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa ay Cabasho xoogan kasoo yeereysaa maamulka sare ee Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya, kadib markii faragalin ba’an lagu sameeyay shaqooyinkooda.

C/casiis saalax Carmaan oo ah Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Shaqada, ayaa sheegay in aad ay usii yaraaneyso shaqadooda, waxa uuna farta ku goday in shaqooyinka Wasaarada uu la wareegay Ra’isal Wasaare Xasan Kheyre.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Shaqada, waxa uu tilmaamay in Ra’isul wasaare Kheyre ay isku dayeen inay kala hadlaan isla markaana u sheegan inuu faraha kula jiro shaqooyinkooda, balse ma aysan dhicin in wadahadalkaasi ay fursad u helaan.

Waxa uu ku celcelshay in arrin fool-xun ay tahay in Ra’isul wasaaraha uu si toosa usii qabto howsha Wasaarada, xili ay Wasaaradu leedahay Wasiir, Ku-xigeen iyo Agaasime u baahan in looga danbeeyo howsha khuseysa Wasaarada.

Wasiir ku-xigeenka, waxa uu intaa kusii daray inay diyaar u yihiin in Ra’isul wasaaraha uu kala xisaabtamo howlaha Wasaarada, balse ay wanaagsanaan laheyd in looga danbeeyo howsha Wasaarada.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in Wasaaradaha dowladda ay ka shaqeeyaan dad aan aqoon lahayn oo qaarkood aan magacooda qori karin, loona baahan yahay in la iska kaashado sidii loo sixi lahaa.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Shaqada ayaa ku baaqay in Ra’isul wasaaraha dalka uu ka fiirsado talaabooyinka cuuryaaminkara dadaalada ka dhex socda Wasaarada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com