Wasiir Yariisow oo aflagaadeeyey dadka raadinaya xuquuqda Muqdisho + Jawaabta Caasimada Online

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo loo yaqaan Yariisow ayaa sheegay in dadka deggan magaalada Muqdisho aysan xaq u lahayn inay raadiyaan xuquuqda iyo mataalaadda siyaasadeed ee ka maqan gobolka Banaadir.

Qoraal yaab leh oo uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu Yariisow sidoo kale weerar aflagaado ah ku qaaday dadka Muqdisho ee raadinaya xuquuqda gobolka Banaadir, oo uu ku sheegay “kuwii magaalada dumiyey ee caruurta iskuulada u diiday”.

Yariisow ayaa sheegay in maqaamka gobolka Banaadir ay raadin karaan maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo kaliya.

Waxa uu qoraalkiisa ku yiri ““Nidaam iyo Dowladnimo kaliya ayey ku imaan kartaa maqaamka Muqdisho oo fowdo iyo dadkii dumiyey Xamar oo carruurta Iskuulada u diiday si caadifad ah kuma keeni karaan nidaam oo Maamulka G/Benaadir, Baarlamaanka iyo Dowlada hay’adaheeda baa raadin kara xaqa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan”

Waxaa yaab leh garaad xumada iyo dadnimo xumada haysata Yariisow, oo kursiga uu ka fadhiyo oo uu ilaashanayo dartiis u inkiraya xuquuqda iyo matalaadda dadkii uu magacooda kursiga ku helay.

Dowladda federaalka ah waxaa ku mideysan 17-ka gobol ee dalka Soomaaliya marka laga reebo gobolka Banaadir, oo xuquuqdiisa la duudsiiyey, balse dowladda ay ku nooshahay dhaqaalaha laga ururiyo dadka degan. Sidaas darteed, yaa dadka ka yimid 17-ka gobol ee kale ee Soomaaliya ee ku jira dowladda siiyey sharciyadda ay go’aan uga gaaraan aayaha dadka Muqdisho?

Xuquuqda matalaadda siyaasadeed ee Muqisho ku maqan waxaa duudsiiyey kuwii kasoo jeeda magaalada ee markii hore ogolaaday dhismaha dowlad aysan Muqdisho qeyb ka ahayn, waxaana hadda muuqata in kuwii dowladda ugu jiray ay weli dhinac usii riixayaan.

Waa astaan kale oo muujineysa garaad xumada iyo karti la’aan dadka kasoo jeeda beelaha degan magaalada, marka Yarisiow oo kale isaga oo aan ka fiirsan miisanka hadalladiisa, wixii uu doono isaga soo qorayo baraha bulshada.

Yariisow waa la-hayste siyaasadeed, oo aan aqoon waxa uu ka hadlayo. Wuxuu wax walba u sameynayaa inuu iska iibiyo ra’iisul wasaarihiisa, balse beri marka lagu dan gaaro oo la ceyriyo, aad arki doonto isaga oo huwanaya shaatiga dadka Muqdisho, oo meelaha ka mucaaradtamaya.

Waxaa jira warar sheegaya isku shaandheyn kooban oo la doonayo in lagu sameeyo golaha wasiirada, la-yaabna ma lahan dhaqanka “badbaadi naftaada” ah ee Yariisow.

Muqdisho dadka degan xaq ayey u leeyihiin inay raadsadaan matalaadda ka maqan, mana jirto sabab nin ka yimid Haregysa, ama Baydhaba, ama Kismaayo, ama Garoowe uu dadka Muqdisho aayahooda go’aan uga gaaro.

Horta aad aayaheyga go’aan ka garatidee adigu kumaa tahay?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com