Wasiirada Hawiye iyo arrinta ugu weyn ee keentay in laga soo horjeesto golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha wasiirada ee la magacaabay ayaa ku jiro xaalad xalis ah oo ay macquul tahay inay meesha uga baxaan dhammaantood ama qaarkood isbadal lagu sameeyo iyadoo ay meesha ka bixi doonaan shaqsiyaad halka qaar kalana ay soo geli doonaan.

Haddaba wuxuu qof kasta is waydiinayaa sababta ugu weyn ee keentay in la mucaarado golaha wasiirada cusub.

Dadka falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya ayaa aamisan in sababta ugu weyn ee keentay in wasiirada la mucaarado ay tahay halka wasiir ee dheeriga ah ee la siiyey Beesha Hawiye oo golaha wasiirada ku yeelatay 6 wasiir.

Beelaha kale ayaa qaayay min 5 wasiir waana sababta ugu weyn ee keentay in wasiirada laga horimaado, iyadoo la is waydiinayo sababta keeni karto in Hawiye loo badiyo wasiirada maadaama ay Soomaaliya ku heshiisay inay wax u qeybsato 4.5.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa go’aansaday inuu Beesha Hawiye siiyo hal wasiir oo dheeri  ah taasoo loo fahmay inuu ku qanciyo maadaama ay waayeen xilkii madaxweynimo oo ay hayeen muddo 8 sano oo xiriir ah, inkastoo meesha uu Farmaajo ka fiiriyey arrinta aysan aheyn mid ay ku qanci karaan Beelaha kale.

Muhiim maahan in Beesha Hawiye lagu qanciyo in wasiir dheeri ah la siiyo haddii ay waayeen xilka madaxweynimo maadaama aysan aheyn arrin kaligood u qoran, waxaana madaxweynaha Soomaaliya fiicneyd inuu ilaaliyo hab qeybsiga Beelaha Soomaaliya isla markaasna uu soo magacaabo wasiiro 25 ah xil beel kasta ay u hesho 5 wasiir taasoo ah wadada kaliya ee keeni karto in lagu kala badbaado.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso wasiirada ay heleyn beesha Hawiye oo ah lix wasiir:

1- Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda, Hawiye, Habargidr, Ceyr

2- Eng. Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada, Baadi Cadde.

3- Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha, ( Abgaal , Harti , Obokar )

4- Eng. C/raxmaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta, Hawiye, Abgaal,  Wacbuudhan, Daa’uud.

5) Dr. Fowsiya Abiikar Nuur, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Gaaljecel.

6-  Cabdiraxmaan  Daahir Cismaan, wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare, Xawaadle

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com