Wasiirada cusub oo bilaabay fulinta arriintii uu Kheyre ku amray inay sameeyaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan warbixinadii hore idinkugu soo gudbinay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa golaha wasiiradiisa cusub shalay amray inay Baarlamaanka ka raadsadaan kalsoonida, weliba si shaqsi shaqsi ah.

Haddaba Wasiirada ka tirsan Xukuumada Somalia kana mid ah baarlamaanka ayaa bilaabay ololo ay kalsooni ku weydiisanayaan Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasiirada qaar ayaa Xildhibaanada ku booqanaaya Hoteelada iyo guryaha ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho, waxa uuna ujeedku yahay inay garab ka dhigtaan si ay u maraan baarlamaanka.

Wasiirada ayaa waxaa ololahaani ku dhiiri galiyay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre oo isagu walaac ka qabo sida Wasiirada lagu marin lahaa baarlamaanka.

Kheyre ayaa Wasiirada ka tirsan BFS ku amray inay dhex gal ku sameeyan saaxiibadooda si ay u hirgasho magacaabidooda.

Wasiirada qaar ayaa waxaa hortaagan Xildhibaano is uruursaday oo ka tirsan BFS kuwaa oo waayay rajadii ay ka lahaayen Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Ma cadda sida uu xaalku noqon doono waxaase loo badinayaa in xal hoosaad laga gaari doono kacdoonka Siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com