Wasiirka amniga Koonfur Galbeed iyo Roobow oo kulmay iyo hub lagu wareejiyey

Xudur (Caasimadda Online) – Deegaanka Abal ee Gobolka Bakool waxaa gaaray Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaasi oo ujeedkooda yahay iney la kulmaan Sheikh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed ee gaaray Abal waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Xusen Maxamed Eelay,iyo taliyaha Ciidamada Nabad-Sugida koonfur Galbeed iyo Masuuliyiin kale,kuwaasi oo la kulmay Muqtaar Roobow.

waxaa soo baxayo war kala duwan oo arrintaan ku saabsan, kuwaas oo kala ah inay labada dhinac is arkeyn iyo inay saacadaha soo socdo is arki doonaan.

Ujeedka ay halkaasi u tageen Msuuliyiintaan ayaa waxaa lagu sheegay sidii ay ula kulmi lahaayeen Sheekh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo wax ka yar 1KM, u jira deegaanka Abal.

Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in deegaanka Abal haatan uu ka socda diyaargarow ku aadan sidii ay u wada kulmi lahaayeen Muqtaar roobow iyo masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Warar kale oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga Koofur Galbeed uu la kulmay Sheekh Mukhtaar Roobow, oo ku sugan deegaan ku dhow Abal oo horay fariisin u aheyd.

Saanadan milateri ayaa laga keenay degmada Xudur, waxaana amar ku bixiyay in lagu wareejiyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo lagu wado inuu gaaro Xudur.

Maamulka Koofur Galbeed iyo Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa la sheegay inay isku fahmeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka, mar alla markii uu culeys soo fuulana ay u gurmadaan, kana caabiyaan