Wasiirka arrimaha dibeda Imaaraadka oo 3 talo usoo jeediyay R/W Kheyre

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’isal wasaaaraha xukuumadda Somalia Xassan Cali Kheyre ayaa kulan khaasa magaalada New York kula qaatay Wasiirka arrimaha dibeda Imaaraadka Carabta Sheikh Cabdullahi Bin Zaayid Al-Nahayaan.

Kheyre iyo Al-Nahayaan ayaa si guud uga wadahadlay Xiriirka labada dal, Siyaasada, Amniga iyo Kor u qaadka mucaawinooyinka uu Imaaraadka siiyo Somalia.

Al-Nahayaan, ayaa Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia u ballanqaaday inay xoojin doonaan xiriirka kala dhexeeya Somalia.
Al-Nahayaan waxa uu cadeeyay in arrinta Khaliijka uusan saameyn doonin xiriirka Imaaraadka kala dhexeeya Somalia.

Al-Nahayaan, ayaa intaa kadib Ra’isul wasaare Kheyre ugu baaqay in Xukuumadiisa ay ka fiirsato Seddexda qodob oo uu sheegay inay halis galinkarto xaalada Somalia kuwaa oo kala ah:

1-In Siyaasada ay saameyn ku yeelato Howlaha la xiriira Amniga.

2-Khilaaf Siyaasadeed xiligaan ka dhex curta Madaxda Soomaalida oo uu sheegay inay dhibeyso Imaaraadka.

3-In dowlada Somalia ay ka gaabiso ballanqaadyadii ay sameysay sida amniga.

Al-Nahayaan, waxa uu amaanay hanaan Siyaasadeedka dowlada Somalia ee uu Hogaaminaayo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa ka mahadceliyay dadaalka ay dowlada Imaaraadka Carabta ugu jirto xal u helida xaaladaha cakiran ee ka jira Somalia.

Dhinaca kale, waxa uu soo dhaweeyay suuragalnimada in xukuumadiisu ay hirgaliso qodobada muhiimka ah oo uu soo jeediyay Al-Nahayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com