BFS oo cod u qaadaya MOOSHIN iyo tijaabo ku socota madaxweyne Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah la filayaa in uu ka dooddo mooshin ka dhan ah wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka Cabdullaahi Goodax Barre.

Shaley ayey ahayd in baarlamaanku uu ka doodo mooshinka balse waxaa xildhibannada baarlamaanka ay waqti galiyeen siddii shaqada looga joojin lahaa shirkadda Turkiga laga lee yahay ee maamusha garoonka diyaaradaha.

Wasiir Goodax shaley wuu joogay fadhigga baarlamaanka, waxaana aan la ogeyn sidda ay codbixinta u dhici doonto.

Wasiirka waaba lagu dhagnaa waayahan oo waxaa loo heestaa in uu iskiis u magacaabay guddoomiyaal gobal iyo degmo taasoo xittaa uusan la socodsiin xukuumadda uu ka tirsan yahay siddaas waxaa ku dooddaya xildhibaannada mooshinka keenay.

Waa tijaabo ku socota Madaxweyne Xasan Sheekh

Dad badan oo la socda siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan haddii uu meesha ka baxo wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka oo ku dhow madaxweynaha in ay tijaabo u tahay in madaxweynaha laga guuleystay oo isaga ama wasiiradda ku dhow in ay mooshinka xigga laga keeni karo.

Madaxweynaha oo lagu kacsanaa maalmahan hadda waxaa muuqata in uu hadda ka guuleystay xildhibannada ku kacsan kuwaasoo uu siyaabo kala duwan u qanciyay.

Wasiirka tallaabada uu ku dhaqaaqay waxaa ka dambeeyay madaxweynaha oo isaga ayaa ku amray ayaa la lee yahay in uu magacaabo qaar ka mid ah guddoomiyaasha gobalada iyo degmooyinka dalka.

Haddii uu ka badbaado wasiirka mooshinka laga keenay maanta, waxaa hubaal ah in xibsiga madaxweynaha ee Damjadiid ay ku guuleysteen qorshahooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com