Wasiirka Warfaafinta: Idaacad ruqsad la’aan kama shaqayn karto Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo ka hadlaayay xaflad lagu wareejinaayay wasaaradiisa qalab idaacad oo ay soo dhiibtay QM ayaa sheegay in magaalada Muqdisho aysan ka shaqayn ka rin idaacad aan ruqsad heesan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wariyaasha lala socon doono wax yaabaha ay ka sheegaan idaacadaha oo aaney jiri doonin idaacad waxa ay rabto hawada ka sheegta.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradiisa ay diyaarisay shuruucda warbaahinta, dhowaanna ay soo bandhigi doonaan.

Wasiir Ciil mooge ayaa ugu dambeen ugu baaqay milkiileyaasha idaacadaha ku yaalla Muqdisho inay dhowraan shruucda warbaahinta isla markaana lagu dhaqmo.

Magaalada Muqdisho ayaa hadda waxa ka howlgala in ka badan 20-idaacaddood kuwaasoo ah FM-yo ay si gaar u lee yihiin shaqsiyaad u badan ganacsato.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho