Wasiirkii amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo ka ‘baxsaday’ xabsi uu ku xirnaa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Zakiya Xuseen ayaa barteeda Twitterka ku shaacisay inuu xabsigii uu ku xirnaa ka baxsaday Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Janan.

Taliyaha ayaa sheegtay inay ciidamada Ammaanka ku raad joogaan Cabdirashiid Janan oo ka baxsaday halkii ay ku xirtay Dowladda Soomaaliya, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin qaabka uu u baxsaday.

Wasiir Janan ayaa la rumeysan yahay inuu ku xirnaa guri ku ag yaalla xarunta NISA oo shan maalmood ka hor loo soo wareejiyey isaga oo laga soo saaray xabsiga.

Taliyaha ayaa dadka Shacabka ah ka codsatay inay Laamaha amniga kusoo wargeliyaan haddii ay arkaan Wasiir Janan ama ay helaan xog ku saabsan.

Bishii August Sanadkii 2019 ayey aheyd markii Wasiir Janan laga qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde markaas oo uu safar u ahaa dalka Itoobiya.

Wasiir Janan ayaa lagu soo oogey dambiyo badan markii uu dhawaan kasoo muuqday maxkamad inkastoo aan faahfaahin laga helin maxkamadeyntiisa.

Hoos ka arag qoraalka Zakiya