Wasiiro kale oo is-casilaya iyo Kheyre oo aad looga cabanayo + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Maxamuud Abukaato oo ka tirsan Golaha Shacabka Somaliyed, ayaa wuxuu sheegay in maalmaha soo socda ay iscasilayaan Wasiiro kale oo ka tirsan Xukuumadda Somaliya.

Xildhibaan Abukaato, ayaa wuxuu sheegay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliya inay soo gudbiyeen cabasho la xiriirta faragelin Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu ku haayo shaqada Xubnaha qaar ee Golaha Wasiirada Somaliya.

Wuxuu sheegay haddii sidan xaaladda ay ku sii socoto in maalmaha soo socda ay iscasilayaan tiro kale oo ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada Somaliya, kuwaasi oo udulqaadan waayay faragelinta Raiisal Wasaaraha uu ku haayo shaqada Xubnaha Golaha Wasiirada.

“Waxa jirta culeys badan oo ku aadan in shaqada Wasiirada qaarkood lagu haysto, Guddiyo ayaa laga dhinac dhisay, waana culeys marka la eego Wasiir shaqeynaya in shaqadiisa guddiyo ay la wareegaan.” Ayuu yiri Xildhibaan Abukaato.

Wuxuu soo hadal qaaday Wasiirkii Gaashaandhigga Somaliya inuu horay isku casilay, haddana ay jiri doonan Wasiiro kale oo meesha ka bixi doona.

Hadalka Xildhibaan Abukaato ayaa wuxuu ku soo aadaya, iyadoo maalintii arbacada aheyd ay iscasishay, Wasiirkii Gargarka Xukuumadda Somaliya Maryan Qaasim.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.co