Wax badan ka ogow haddii xukuumadda Kheyre ay beri heli doonto codka kalsoonida

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan idinla wadaagnay waxaa lasoo gabagabeeyey waanwaantii laga dhex waday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari.

Waanwaantaas ayaa guul weyn laga gaaray markii guddoomiyaha Baarlamaanka lagu qanciyey inuu aqbalo in xukuumadda cusub cod loo qaado sidoo kalana waxaa laga dhaadhacsiiyey inuu ka shaqeeyo sidii xukuumadda codka aqlabiyadda loo siin lahaa.

Haddaba xogta ay heleyso Shabakadda Caasimadda Online ayaa xaqiijineyso in berri la ansixin doono golaha wasiirada Soomaaliya kadib markii inta badan xildhibaanadii kasoo horjeeday la qanciyey inkastoo ay wararka shegayaan in lagu qanciyey xilal iyo ballanqaadyo kale.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari iyo guuto Xildhibaano ah oo uu hoggaaminayey ayaa maalmo xaaladda ku adkeeyey madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha, waxayna maalmahaas dareemeyn qalqal siyaasadeed oo ku aadan ansixinta golaha wasiiirada kadib markii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka waraaq u diray Kheyre kana codsaday inu ka fiirsado golihiisa wasiirada uusana iska khasaarin labada jaanis ee u heysto inuu wasiiro magacaabo.

Arrintaas ayaana sababtay inay hawada gasho khilaafka golaha wasiirada, waxaana fikrado kala duwan ka bixiyey siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo qaarkood Jawaari ku tilmaamay inuu yahay nin aan fiirineyn danaha Soomaaliyeed oo uu u jeedo kaliya midiisa shaqsiyadeed.

Waxaa xallinta khilaafkaas la aamisan yahay inuu qeyb weyn ka qaatay Shariif Xasan Shiikh Aadan oo deg deg kuso gaaray Magaalada Muqdisho, wuxuuna kulamo la qaatay Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo ahaa kuwii ugu badnaa ee kasoo horjeeday golaha wasiirada isagoo ku qanciyey inay la shaqeeyaan madaxweynaha wasiirada ay aqbalaan.

Ugu dambeyntii Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta loo diray fariin ku aadan inay berri kasoo qeybgalaan kulanka codka kalsoonida loogu qaadayo xukuumadda cusub, waxaana la rajeenayaa sida xogta sheegeyso in la ansixiyo inkastoo ay jiraan koox yar oo kasoo horjeedo haddana waxaa la sheegayaa inaysan aad u badneyd oo aysan buuxin karin kooram lagu celiyo wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com