Waxaa maxay sababaha qurba-joogta shaqo doonka ah looga hormariyo guda-joogta?

Waxaan ka mid ahay qurba-joogta, sidoo kale waxaan dhiiri galiyaa in qurba-joogtu dhulki ku laabato si fiicanna loogu soo dhaweeyo. Hase ahaatee waxaad mooddaa si kale loo fahmay imaanshaha qurba-joogta shaqo doonka ah, culaysyana ay abuureen. Waxaa soo badanayo cabashooyinka la xariiro shaqo bixinta oo ka imaanayo dhalinyarada wax ku baratay dalka gudahiisa. Dhalintaan ayaa ku doodayo in wax alla wixii shaqo nacfi fiican lahaa la siiyo qurba-joogta iyagana looga tagay shaqooyinka hoose oo kaliya. Si mugdigaan meesha looga saaro waxaan isku dayayaa inaan bidhaamiyo arinku uusan ahayn sida loo fahmay iyo cidda bixiso shaqooyinka ay qurba-joogu bixiyaan iyo nooca ay tahay.

Marka hore waa inaan fahamnaa in arrimaha aan ka hadlayo ay yihiin kuwa ay nala wadaagaan dhamaan waddamada dagaaladu ka dhaceen ee dib loo dhisayo. Waxaa lagu doodaa in dib loo dhisayo hayadaha dowliga ah ee burburay sidaa awogeed loo baahanyahay dad khibrad u leh howlaha lagu dhisayo hayadaas, ka dib wasaarad walba waxaa loo shaqaalaysiiyaa tobonnaan la-taliye (consultants) iyo caawiyayaal xaga farsamada ah (technical assistance) meelo kala duwan ku shaqo leh. Afrika oo kaliya waxaa lagu qiyaasaa inay ka shaqeeyaan boqol kun oo la-taliye iyo caawiyayaal (consultants and technical assistance). Nin Maraykan ahaa kana mid ahaa shaqaalihii hayadaha reer galbeedku geeyeen Afqaanistaan ayaa yiri daqsiga kaabuul joogo iyo la-taliyayaasha dowladda la shaqeeyo waxaa badan la-taliyayaasha.

Dadkaan waxay ka shaqeeyaan meel walba oo adeeg laga qaban lahaa, laga soo billaabo shaqooyinka muhiimka ah ee dowladda ilaa talaalka caruurta. Dadkaan intooda badan waa ajaanib aan u dhalan dalalka la gaynayo inta soo hartayna waa qurba-joogta dalalkaas kasoo jeeda. Intaas waxaa dheer in wasaaradaha ugu mihiimsan dalka loo magacaabo la-taliyayaashaan ay shaqaaleeyeen deeq-bixiyaashu.

Waxa birbirqayo oo dhan dahab maahan

Kaaga sii darane caawiyayaasha shaqooyinka muhiimka ah la siiyay waxaa ku yar inta taqaan shaqada loo dhiibay. Madaxweynaha Afqaanistaan Ashraf Ghani ayaa waqtigii uu wasiirka maaliyadda ka ahaa dowladdi tiisa ka horaysay waxaa uu yiri wasaaradda aan madaxda ka ahay waxay hayadaha deeqda bixiyo u shaqaalaysiiyeen boqol qof oo la-taliye. Boqolkaan toban kaliya ayaa ah kuwa khibrad sare u leh shaqada ay hayaan, 35 waa loo dulqaadan karaa, laakiin inta soo hortay waa qashin aan waxba ku filnayn oo lacag tiro badan bilaash la iska siiyo.

Intaas waxaa dheer waxaa la siiyaa lacag aad ooga badan midda guda-joogtu ku shaqeeyaan. Mid ka mid ah dhalinyarada u shaqayso hayadaha UN-ta ee dalka joogo ayaa igu yiri nin aan isku shaqo hayno oo baasaboor yurub ah haysto sadex-jeer ayuu iga mushaar badan yahay. Warbixin la daabacay sanadki hore (2016) ayaa lagu sheegay in qurba-joogtu (expatriates) sagaal boqol oo jeer ay ka mushaar badanyihiin kuwa ay isku shaqada qabtaan ee guda-joogta ah.

Maxaa lagu doortay

Qurba-joogta waxaa shaqaalaysiiyo waa deeq-bixiyayaasha caalamiga ah ee dowladda taageero. Wasaaradaha kala duwan ee dowladda waxaa loo ogolaadaa tiro shaqaale ah oo qabto shaqooyinkeeda sidoo kale waxaa loo qoraa dad aqoon iyo waayo-aragnimo ku caawiyo oo kala taliyo howlaha la qabanayo iyo sida loo qabanayo. Maadaama wasaaraduhu aysan bixin mushaarka shaqaalaha ugu qoran inay ka caawiyaan farsamooyinka, go’aan kama gaarin karaan cidda ay qaadanayaan. Sidaa awgeed waxaa shaqada soo xayaysiiyo hayadda bixinayso mushaarka. Tusaale, la-taliyayaasha ciidda ka badan ee wasaarada maaliyadda waxaa qoro Bankiga Aduunka (world Bank) oo mushaarkooda bixiyo. Sanadki tagay Soomaaliya waxaa la siiyay lacag dhan 1.3 bilyan oo doolar. Lacagtaas waxaa bixiayay dhowr wadan oo kaliya. 8% kaliya ayaa dowladda loo shubay inta kale waxaa maamulay hayado kala duwan sida World Bank oo meesha ay iyagu doonaan ku bixiyay.

Sadex sababood ayay deeq-bixiyayaashu u shaqaaleeyaan dad aan gudo joog ahayn. Mid dadka loo sheego iyo labo qarsoon. Dadka waxaa loo sheegaa inay doonayaan inay xaqiijiyaan in aduunki ay bixiyeen lagu bixiyay meeshi ay la rabeen sidaa darteed waxaa wasaaradda lacagtaas la siinayo u ka shaqeeyo qof hayaddu aamini karto oo ay iyadu keensatay.

Nin ka mid ahaa wasiiru-dowlayaashi dowladdi Xasan ayaa ii sheegay in maalin walba uu la macaamilo ugu yaraan 20 qof oo caddaan ah. Wuxuu yiri marba mid waraaqo la ordayo ayaa ku imaan. Waxaan ka socdaa dowladda Iswiidhan oo waxaan daba socdaa lacagti aan siinay wasaraddaada, waxaan ka socdaa dowladda Ingiriiska waxaana daba socdaa lacagti aan siinay wasaaradaada, waxaan ka socdaa hayad heblo waxaan daba socdaa lacagti aan siinay wasaaraddaada sidaas ayay isu daba socdaan ilaa gabalku ka dhaco.

Labada arrimood oo kale ayaa jiro oo aan kor loo sheegin. Midda hore waa in lala socdaa siyaasada dowladda iyo waxay ay damacsantahay iyo inaysan la imaan wax ka horimaan karo danaha deeq-bixiyayaasha. Wasiir walba waxaa la taliye u ah qof ajanabi ama qurba-joog soomaali ah oo mushaarkiisu ay bixiso hayad ama dowlad kale. Shaqsigaan waxaa laga rabaa warbixin joogta ah oo ku saabsan wasaaradda uu ka shaqeeyo sidaa darteed isagoon cidna jaajuusayn ayuu waxwalba gudbiyaa.

Midda labaad waxaa shaqo abuur ay dowladaha deeqda bixiyaan u samaynayaan dadkooda. Horta ma iswaydiisay waxa laguu siinayo lacagta intaas tiro ah qabto? Hayada Maraykanka ah ee Soomaaliya ka howl gasho shaqo siin mayso mid soomaali kaliya ah inta ay helayso Somali-maraykan sababtu ma cusla oo waa in waxa uu helo dalkii maraykan wax un ooga noqon doonaan hadaysanba kuwada noqon.

Gunaanad

Waxaan soo sheegnay in arrintaan aysan gali nagu ahayn. Sidoo kale waxaan soo ogaanay in dowladdu aysan ikhiyaarkeeda ku qoran shaqaalaha muhiimka ah ee hayadaha dowliga ah ka shaqeeyo. Waxaan sharaxnay cidda bixiso shaqada iyo sababaha ay u bixiyaan, waxaan sidoo kale tilmaanay in qurba-joogta soomaaliyeed ay tiro yar ka yihiin shaqaalaha wasaaradaha ku qoran intooda bandanna ay ku qoranyihiin ajaanib waddan walba leh.

Talo bixin

Guud ahaan dadka soomaaliyeed waxaan leeyahay in laga xaroobo gacan shisheeye waxaa lagu heli karaa innagoo bixinno canshuurta, sakada iyo kaalmo dheeraad ah. Sidoo kale waxaa muhiim ah inaan xoogga saarno maal-gashi dalka ah iyo u shaqaynta horumarinta danaha dadkeenna. Inta ay gacan kale bixinayso mushaarka madaxdeena iyo kuwa noo hayo adeegga aasaasiga ah ka bixi mayno xukun shisheeye.

Qurba-joogta waxaan leeyahay waddanku wuxuu u baahanyahay aqoontiina, xirafaddiina iyo khibradiinna sidaa awgeed lacag kaliya ha doonanina e wax qabta oo ka shaqeeya howlaha aad aqoonta u leedihiin. Kuwiinna la shaqeeyo hayadaha ajanabiga ee laga rabo warbixinno joogta ah, cindiga ku haya in qofka mushaarka kugu siinayo shaqada aad hayso uu u shaqaynayo waddankiisa.

Dhalinta guda-joogta ah waxaan leeyahay shaqooyinka ay qaataan qurba-joogtu waa kuwa yar marki loo eego boosaska shaqo ee dalka ka bannaan. Ha ku nicinna shaqooyinka bannaan in mushaarkoda yaryahay in kuwa ka mushaar badan ay dad kale helaan. Qurba-joogtu waxay hayaan shaqo uu qaban lahaa qof ajanabi ah ee ma ay qaataan shaqo adinka la idin siin lahaa. Waxaan idinka kaga tagaayaa sheegadan.

Waagii uu socday shirki Ceel-dhooreed ayaa waxaa la xareeyay odayaal lagu sheegay salaadiin. Intooda badan waxay ahaayeen kuwo is magacaabay ee ma aysan ahayn salaadiin la aqoonsanyahay. Maalin ayaa meeshi waxaa yimid siyaasi socdo wuxuuna arkay oday ay isku reer yihiin oo madasha ku jiro oo sheegtay inuu suldaan yahay. Siyaasigi ayaa yiri “Suldaan ma tihide maxaad beenta u sheegtay”. Odaygii oo rabo inuu fahamsiiyo inuusan asagoo dad u xigo u qoonsan meesha uu jogo ayaa yiri “hebelow inta saldanad meeshaan soo xaadirtay taydaa kuu xigto”. Hadda inta wadankaan lacag magaciisa lagu cunayo inta qurba-joogtiinna qaadatay ayaa idinka soo gaartay.

W/Q: Ibrahim Aden Shire
Ishire86@gmail.com
https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/