Waxbarasho aan nooceeda horey loo arag oo laga hir geliyay Muqdisho.

Soomaalida aan awoodin in ay tagaan iskuulada caadiga ah ayaa hadda awoodi kara in ay bartaan akhriska iyo qoraalka iyaga oo dhagaysanaya barnaamijta waxbarsho ee ay bixiso Raadiyo Iftiin, oo ah xarun baahinta ka bilwaday dhawr bilood ka hor magaalada Muqdisho iyada oo ka soo gasha 94.5 FM.

Raadiyo Iftiin ayaa ah xaruntii idaacaddeed ee wadanka ugu horaysay oo bixisa arrimo waxbarasho oo kali ah, kaas oo ka faaiidaysanaya ardada aan caadiga ahayn, sida xubnaha shacabka saboolka ah, dad wadanka gudihiisa ku bara kacay iyo kuwa dagan meelaha baadiyaha ah.

Waxaa kaliya ee ay ardaydu u baahan yihiin waa buug ay xarfaha alifbeetada ku qoran tahay si ay ula socdaan xilliga uu socdo barnaamjika waxbarasho ee idaacada.

Daadihiyayaasha idaacada ayaa duruusta ku bilaaba in ay alifbeetada qabyo u kala googooyaan, iyaga oo baraya dhagaystayaasha sidii xaraf walba loogu dhawaaqi lahaa, kadibna loo higaadin lahaa looguna dhawaaqi lahaa xarfaha aasaasiga ah. Xilliga uu barnaamijku socdo, ayaa lagu boorinayaa waalidka in ay ka qayb qaataan ayna u shaqeeyaan sidii kalkaaliyayaal oo kale si ay uga kaalmeeyaan caruurtooda in ay qoraalka bartaan.

Xaruntan ayaa maalin walba bixisa barnaamjiyo waxbarasho oo ah Islaamka, waxbarashada dadka waawayn, waxbarashada bulshada, iyo barnaamijyo usbuuc walba ah oo u dhaxeeya arrimaha taariikhda Soomaaliya, dhaqanka, iyo sooyaalka, illaa iyo xallinta khilaafaadka iyo doorka ay haweenku ku leeyihiin bulshada. Barnaamijta inteeda badan ayaa ku wajahan caruurta iyo dhalinyarada, sida ku qoran bogga Internetka ee Raadiyo Iftiin.

“Xarumaha kale ee maxalliga ah ee Soomaaliya waxay xoogga saaraan oo kaliya arrimaha siyaasadda, laakiin Raadiyo Ifiin ayaa ka shaqeeya arrimaha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, xuquuqda banii’aadamka iyo waxbaridda bulshooyinka reer baadiyaha ah sidii ay u badbaadin lahaayeen bay’adda,” Maxamed Axmed oo ah madax ka tirsan Raadiyo Iftiin ayaa sidaas sheegay.

“Shacabka Soomaaliya waa dad aad u istcimaala wararka, sidaas darteed ayaa barnaamijteenu ay door aad u wayn uga ciyaaraysaa kor u qaadista akhriska iyo qoraalka iyo dhiiri galinta waxbarshada,” ayuu yiri. “Raadiyo Iftiin ayaa ka shaqayn doona kor u qaadida wacyiga ahmiyada ay leedahay in iskuul loo diro loo diro caruurta gaadhay da’da iskuulka.

Wuxuu sheegay xaataa in dadka aan akhriska iyo qoraalka ka baranin barnaamijkan ay noqon doonaan xubno shacabka ah oo xog ogaal ah.

In kasta oo si khaas ah loo leeyahay ayaa ayaa xarumaha maxalliga ah ee idaacaduhu ay aad ugu bateen Soomaaliya, iyada oo in ka badan 23 xarumo idaacadeed ay ka shaqeeyaan caasimada kaliya, Raadiyo Iftiin ayaa ah xarunta kaliya ee xaga waxbrashada u go’day.

Horumarinta waxbarashada Soomaaliya

Xuseen Cabdi, oo madax waxbarasho kana shaqeeya Hay’adda Gargaarka Afrika, taas oo dhawr iskuul oo khaas ah ka wadda Soomaaliya, ayaa sheegay in furitaanka xarun waxbarsho ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday horumarinta waxbarashada wadanka.

“Samaynta xaruntan waxbarasho ayaa ah mid faa’iido badan, kumanaan dad ah, gaar ahaa kuwa aan waligood fursad u helin in ay waxbarasho helaan–sida kuwa ka soo jeeda bulshooyinka saboolka ah ama dadka wadanka gudihiisa ku bara kacay–ayaa ka faaiidaysan doona barnaamijta waxbarsho ee xarunta idaacadu ay bixiso,” ayuu sheegay. “Warbaahinta ayaa ciyaari kara kaalin muhiim ah ee dhinaca waxbaridda iyo hagidda, xarunta ayaa ah adeeg wayn oo gaadhi karta dhagaystayaal badan.”

“Barnaamijta laga sii daayo xaruntan waxay ka qayb qaadanayaan sidii qoris iyo akhris la’aanta looga cidhib tiri lahaa Soomaalida dhexdeeda, sababta oo ah waxay siinayaan fursado waxbarsho qaybo badan oo shacabka ah kuwaas oo aan caruurtooda u diri karin iskuul,” Cabdi ayaa sidaas sheegay.

Sababo la xidhiidha labaatameeyo sano oo xasilooni daro ah, ayaa qoris iyo akhris la’aanta iyo xadka is qorida iskuulada ee Soomaaliya ay hoosaysaa, gaar ahaan kuwa dagan meelaha baadiyaha iyo kuwa wadanka gudihiisa ku bara kacay.

“Waaxda waxbarashada ayaa ahayd mid aad ugu baahan xarun waxbarasho, waxaan rajaynaynaa in xaruntan ay yoolalkeeda waxbarasho xaqiijin doonto,” Cumar Maxamed, oo macalin ka ah Dugsiga sare ee Nuur kuna takhasusay habka waxbaridda ayaa sidaas yiri.

“Waddan Soomaaliya oo kale ah, oo xadka wax qorid iyo akhris la’aan ay sarayso, una dheer yihiin dhibaatooyin xagga ammaanka ah taasoo hor istaagaysa in ardaydu ay iskuul tagaan, ayaa siinta caruurta fursad ah in ay waxbartaan iyaga oo aan fasalo fadhiyin ay tahay mid aad muhiim ah,” ayuu yiri.

Ayan Axmed, oo ah hooyo 38 jir ah afar caruur ahna leh, deganna xerada Saybiyaano ee dadka guri la’aanta ah ee Muqdisho, ayaa sheegtay in Raadiyo Muqdisho uu caruurteeda siiyay fursad ay ku bartaan sidii ay wax u akhrin lahaayeen una qori lahaayeen.

“Caruurtaydu iskuul ma aysan aadin, sababta oo ah ma aan awoodin inaan bixiyo lacagta iskuulka,” ayay tiri. “Caruurtaydu waxay wajihi lahaayeen mustaqbal madaw haddii aysan jiri lahayn barnaamijta waxbarsho ee ay xaruntan bixiso.”

“Waxaan doonaynayaa in aan si khaas ah ugu mahad celino qof walba oo ka qayb qaatay bilawga xaruntan, waxaan rajaynaynaa in Raadiyo Iftiin uu qof walba siin doono barnaamij tayo leh oo naajix ah,” ayay sheegtay.

Waxaa qoray Majiid Axmed oo Muqdisho jooga

Isha: Sabahi Online.