Website Af-Somali ah oo dad badani garanayaan oo la ogaaday inay lee yihiin Milatariga Mareykanka.

Shabakad Geeska Africa ka howl gasha, oo muddo ka badan 10 bilood shaqeyneysay ayaa iminka la ogaaday inay lee yihiin Milatariga Mareykanka.

www.sabahionline.com, ayaa ah mashruuc ay iska kaashanayaan Milatariga Mareykanka iyo Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayada oo ujeedkuna uu yahay bay yiraahdeen “in lagu naqdiyo si xun wax u sheega (propaganda) ee website-yada Islaamiyiinta Somalia, ayada oo la yaboohayo akhbaar saxan, miisaan leh, islamarkaana dabooleysa horumarka gobolka”.

Sabahionline, oo horey ay Caasimada Online uga soo xigatay qormooyin badan, ayaa ku baxeysa luuqadaha Somali, English, Sawahali iyo Carabi.

“Internetka waa goob weyn, waxaana ka mid nahay dhowr website oo halkaas jooga. Bogeyna waxa uu ujeedkiisu yahay inuu bixiyo cod dhex dhexaad ah oo ka duwan websiteiyada wata rabshadaha xag jirka ah” Waxaa sidaas bayaan ku yiri taliska dhexe ee Mareykanka ee Africa oo fadhigiisu yahay magaalada Stuttgart ee dalka Germany.

Cinwaanadii ugu dambeeyay ee uu wax ka qoray boggaas waxaa ka mid ahaa “Soomaalida oo iska diiday baaqii Alzwahiri ee rabsho”

Website-kan oo la billaabay bishii February ee sanadkan ayaa si tartiib tartiib ah usoo jiidanaya aqristayaal. Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in Sabahi ay cel celis ahaan soo booqdaan maalinkii 4 kun oo qof, ayada oo la aqriyo 10 kun oo qormo maalinkii.

Tiradaas waa mid aad u yar marka loo eego website-yada caanka ah ee Soomaalida sida Caasimada Online, Hiiraan Online, Waaga Cusub iyo kuwo kale.

Website-ka ayaa si cad ugu sheega cidda iska leh qeybta “About us” “Nagu saabsan”, hase yeeshee aqristayaal badan halkaasi ma eegaan, kamana war hayaan.

Milatariga ayaa sheegay inay jiraan 9 qorayaal oo ka howl gal bogga, oo jooga dalalka Kenya, Tanzania, Djibouti iyo Somalia.