Weerar lagu dilay macallin iyo laba cayaaryahan oo ka tirsanaa kooxda Elman

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in la weeraray gaari nooca raaxada ah oo uu watay Macalin ku-xigeenka Kooxda Bariga Dhexe iyo Laba Cayaartoy oo ka tirsan Kooxda Elman.

Gaariga uu watay macalinka iyo labada Cayaartooy ayaa lagu weeraray xili ay marayeen wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo Afgooye.

Weerarka ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay macalin ku-xigeenka Kooxda Bariga Dhexe oo ka dhisan Degmada Afgooye.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Ciyaaryahanka Kooxda Elman u wata Lambarka 24aad oo lagu magacaabo C/laahi Mayow iyo Cumar Muumin Cumar oo kooxda Elman u wata Lambarka 7-aad.

Macalin ku xigeenka Kooxda ayay rasaasta ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, halka labada ciyaartoow uu soo gaaray dhaawac fudud.

Maxamed Cumar Moha oo ah Xoghayaha kooxda Elman ayaa xaqiijiyay geerida Macalin ku-xigeenka Kooxda iyo dhaawaca laba ciyaartooy ee la soctay.

Waxa uu sheegay in dhaawaca labada ciyaartooy la dhigay Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho.

Waxa uu intaa raaciyay in maalinta beri ah la aasi doono Meydka macalin ku-xigeenka Kooxda, waxa uuna ballanqaaday inaysan ka jiifan doonin daweynta labada ciyaartooy ee dhaawaca ah.

Hay’adaha amaanka ayaan ka hadal weerarka lagu qaaday Kooxdaani, waxaana jira warar sheegaya inuu socdo baaritaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com