Maxkamad gaartay go’aan ku saleysan qurux kii ugu yaabka badnaa + Video

Nin madax ka ah goob shaqo, ma ka ceyrin karaa shaqada mid ka mid ah shaqaalihiisa, sababtoo ah isaga iyo xaaskiisa ayaa u arka inay halis ku tahay guurkooda?

Jawaabta waa haa, waxaa sidaasi jimcadii xukmisay maxkamadda sare ee gobolka Iowa ee dalka Mareykanka.

“Su’aasha inaan ka jawaabno ay tahay ayaa ah……in shaqaale aan wax xiriir ah ku lug yeelan si sharci ah loo ceyrin karo, sababtoo ah booska ayaa u arka inay tahay mid quruxdeeda iyo soo jiidashadeeda aan indhaha laga qabsan karin” waxaa sidaas qoray xaakim Edward M. Mansfield, oo ka tirsan maxkamadda sare ee xaakimiinteedu ay labka wada yihiin ee Iowa.

Kiiskan, ayaa gaaray maxkamadda kadib markii shaqaale lagu magacaabo Melissa Nelson laga ceyriyay shaqadeeda, sababo la xiriira booskeeda oo u arkay inay tahay mid soo jiidasho leh oo aan la iska indha tiri karin.

Garyaqaanka u doodaysa Melissa ayaa sheegtay in go’aanku yahay mid qaldan oo u xaglinaya hal jinsi.

Melissa oo ah kalkaaliye dhaqtarka ilkaha oo lagu magacaabo James Knight, ayaa waxa uu ku eedeeyay inay u labisto si dareen gelin ah, oo   wareer gelisay, kadibna ku qasabtay inuu shaqada ka eryo si uusan u damcin, taasi oo bur bruin karta guurka isaga iyo xaaskiisa.

Sidoo kale xaaskiisa ayaa iyana ka shaqeysa xarunta caafimaad.

Kiiskana ayaa noqday mid aad looga hadal hayo guud ahaan warbaahinta dalka Mareykanka iyo go’aanka yaabka leh oo ay qaadatay maxkamadda sare ee Iowa.

Halkan ka Daawo wareysi CNN la yeelatay Melissa