Wiil uu dhalay Osama Bin Ladin oo lagu daray Liiska Argagixisada Caalamka

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa Liiska Argagixisada ku daray wiil yar oo uu dhalay Hogaamiyihii Al-qacida Usama Bin Ladin.

Wiilkaani lagu daray Liiska Argagixisada ayaa waxaa lagu magacaabaa Xamsa Osama Bin Ladin, waxa ayna Dowladu u aqoonsatay inuu halis ku yahay Xasiloonida Caalamka ka jirta.

Xamsa Osama Bin Ladin, ayaa Liiska lagu daray kadib markii muddooyinkaani danbe uu kasoo muuqday Muuqaalo ay baahisay Kooxda Al-qacida, kaa oo fariimo goodin ah u diray Dowlado dhowr ah oo ay kamid tahay Mareykanka.

Xamsa Osama Bin Ladin, ayaa gudaha sanadkii 2015 iyo 2016 kasoo dhexmuuqday labo filim oo ay Al Qacida shaacisay.

Dowlada Maraykanka ayaa Wiilkani uu dhalay Osama Bin Ladin u aragta mid loo diyaarinayo inuu mustaqbalka kamid noqdo hogaanka ugu sareeya kooxdaasi.

Xamsa Osama Bin Ladin, ayaa sidoo kale kamid ah 20ka caruur ee uu dhalay Osama bin Ladin, balse lagu sheego inuu ahaa wiilkii uu ugu jeclaa hogaamiyaha Al Qacida, waxaana wiilkan laga kaxeeyey aabihiis Osama xili uu da’a yaraa si loo soo tababaro.

Dowlada Mareykanka ayaa isha ku heysa dhammaan qoysaska iyo Carruurta uu dhalay Osama Bin Ladin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com