Wixii aan ku arkay India & dumarka Soomaaliyeed maxaa ka dhaxeya?

Allaah ha mahada iskaleh marka hore, maantay  waxan go’ansaday inaan usoo gudbiyo umadda soomaaliyeed  meel walba oo ay joogaan, gaar ahaan dumarka Soomaaliyeed, arrin aan arkay oo aan is lee yahay waa muhim in la sheego.

Maqaalkan inaan qoro waxaa igu kalifay dhacdo an lakulmay anoo jamacadeyda usii socdo, dalka India.

Sida caadadeyda ahayd, waxaan u toosay si an u xaadiro jamacadeyda cashiradeyda an usoo qaato. Aniga oo wadada kusiijiro ayaan, waxa la kulmay waddadii oo xiran cabaar ayan meesha ku hakanay, waxaan guda galay si an u ogaado sababta ay wadada u xirantahay, waxaana ogaaday in mudaaharad jiro.

Intaas kadib waxan arkay dumar aad utira badan oo boorar wata ayna ku qoran yihiin qaarkood (dumarka xaqdhowra) iyo (kama aamusayno kufsiga lagu hayo dumarka). 

Magaalada mudaaharaadkan ka dhacayo waa Hyderabad, meesha dhibaatada iyo kufsiga mudaaharaadkan daba socdo ka dhacayna waa New Delhi waxayna isku jiraan qiyaas ahan 1508 km (kun shanboqol  iyo sideed kilo mitir).

Meeshaas waxa iiga muuqatay isku xirnaanta dumarkan ka dhaxeysa iyo sida ay uga gilgilanayaan dhibaato gabar kale loogu gaystay gobol kale oo aad uga fog iyo sida ay xuquuqdooda ugu doodaayan.

Markaan xaqiiqsaday mudaaharadka wuxuu ku saabsan yahay ayey maskaxdaydu halmar is rogtay oon waxyar dib ugu laabtay dalka aan kasoo jeedo ee Somalia iyo dhibaatada dumarka loogu gaysanayo kufsiga haba ugu horeeyee iyo sida ay arrintasa uga jiifaan umadda Soomaaliyeed.

Allaah qur’aankiisa wuxuu ku leeyahay ayad macnaheedu yahay (ilahay qoon ma baddalo ilaa iyagu nafsadooda baddalaan). Marka haddan usoo gudbo danta aan ka leeyahay qoraalkan waxa waaye in dumarkena Soomaaliyeed aan u sheego in ayaga inay isbaddalaan maahane qof umaqan inaysan jirin oo isku xirman oo markii hal gabar kufsi loogu gaysto tusaale aahan Xamar kuwa joogo inta kale ee Somaliweyn ey aerintas ka mudaharadan,  ka gilgishan,  maxaa yeelay aerintas waxay keeneysaa in caalamka indhohoodu qabto ama ogaado dhibaatada meeshaan ka dhacayso dowladdana ku ceebowdo meesha iskuna daydo markaas inay tallabo qaado.

Maanta, waxaa nasiib darro ah oo Somalia usoo hoyatay in ciidamadii gabdhaha walalhooda sharaftoda ilaalin lahaa ay dhibaatada dumarka iyagu kow ka yihiin, bal la dhihi karo ayagaa u badan, dowladana arintas eysan waxba kaqaban ilaa hadda.

Su’aashu waxay tahay dumarka Somaliyeed yaad sugaysan in arrintan ay wax idinkala qabato? waxay ila tahay jawabtu way iska caddahay waa inay iyagu isku duubman oo ururo sameystaan, min school ilaa hawenka xilalka dowladda in laysku xirmo xuquuqdiina u istaagtaan, haddaadan sidaas sameyna waligiin dulli iyo dhibaato kama baxaysan.   Wabillahi towfiiq 

W/Q: ABDULLAHI OMAR MOHAMED

HYDREBAD -INDIA 

Afeef: Aragtidaa qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan