Wixii xunba ma madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre baa leh?

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh. Nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi, aqristoow waxeey Soomaalida nadiifka ah fahmi la’dahay waxa MD Farmaajo iyo RW Kheyre “Dadka qaar” ku heystaan.  Gacan-kudhiigle dable Axmed Cabdullaahi Cabdi (Ceeydiid), ma MD Farmaajo iyo RW Kheeyrebaa wiil dhalinyara ah, oo agoonnimo kusoo koray, oo aduun hadda u iftiimay, oo noqday wasiirkii ugu da’da yaraa taariikhda Soomaaliya, dil dhahay? Hooyadaa agoonnimada kusoo korisayna gablami, oo xaaskiisii Asaay usaar, oo caruurtiisiina agoonteey? Jawaabtu waa maya.

MD Farmaajo iyo RW Kheeyre malaha dadka qaar hannaanka dowladeed mafahamsana’e, ama qabyaaladbaa ka indho tireeysee, waxeey kala yihiin Madaxweynihii iyo Raysalwasaarihii dalka, ee ma aha Garsoorka dalka. Ma aha wasiirka caddaalada. Ma aha maxkamadii gacan-kudhiigle Axmed Cabdullaahi Cabdi (Ceeydiid) xukuntay, gar-soorena kama aheyn. Waa muhiim marka in sidaa loo fahmo.

Waxaa isweeydiin mudan marka waxa madaxda dalka ugusareeysa looxagxaganayo? Waa naga codsiye fadlan haladaayo dadka caadifada qabyaaladeed lagu kicinayo, ee dacaayadaha rakhiista ah lagu buufinayo, ee colaad-qabyaaladeedka lagu shubayo, inta dumarka iyo caruurta makarafoono iyo boorar loosoodhiibay. Waa kabadbadin iyo khalad weyn. Bal ufiirso Kheeyraa “Hiraab neceb, gaar ahaanna beesha Habar-Gidir!”…..IWM baa la afuufayaa. Soow kama wanaagsanaan laheyn inta marasta loosoo dhiibi lahaa qurunkaa, bal xal ka macquulsan, oo heybad iyo sharaf kujirto in lala yimaado, taasoo xal unoqon karta arinta Gacan-kudhiigle dable Ceeydiid?

Waxeey Soomaalidu tiraahdaa “Hadii layaabo Yaasiinka!” intii maslaxo iyo wanaag wax lagu raadin lahaa, ayaa waxaa lagu raadinayaa hanjabaad iyo “Farmaajoow annagaa meesha kugu heeyna, tiknikada kuwaardiyeysa annagaa iska leh, ….hadii gacan-kudhiigle Ceydiid ladilo dad badan oo beeshaada ahbaa Farmaajoow udhimanaya… Kheeyroow Deyniile-baa gubaneeysa…IWM”.  Soomaaliyeey bal isweeydiiya oo waxaas iyo waxa la midka ah ma uroonyihiin dhagaha iyo qalbiyada dadkii wiilkooda sujuuda lagatoogtay, isagoo wax uu galabsaday aaneey jirin, maxkamadihii xukumay iyo madaxda saree  dalka intaba?

Dhanka kale, dheeshan marna Hawiye jeeb lagala soobaxayo, markii ladoonana isla jeebkii Hiraab lagala soobaxayo, iyadoo beel gaar ah loola danleeyahay, oo lagu faquuqayo, horaa loogu daalay. Allaha unaxariistee Marxuum Faarax Gololleey, oo ahaa mas’uul Soomaali oodhami xikmad kutaqaana, ayaa ciyaartan Hiraab mararka qaar jeebka kalasoo bixista ah hore usheegay, ereyaduu isticmaaley, oo dadka Koonfureed intooda badani wada yaqaanaanse, sooqori maayo, balse dadoow Hiraabnimada meel aaneey shuqul kulaheyn yaan lagu camcaminin.

Gacan-kudhiigle dable Ceeydiid naf dhanbaa kumaqan, oo dhalinyarada Soomaaliyeedoo dhan Iftiin baxaya u aheyd. Maxkamad baana xukuntay.  Nasiibdarose! Hadiiba reerkii wiilkooda xaq-darada looga khaarajiyey  cafinlahaayeen, qaabka dadka qaar hadda udhaqmayaan, ciil, caro iyo caloolyoow ayey qoyskaa kusii kicineeysaa, dareenkoodana weey ugasii dareeysaa, marka wax dadkan lataliya, oo ucaqliceliya malawaayay toloow?

Tan kale; hadii maanta reerka marxuum Cabbaas Siraaj laga dilay Allaha unaxariistee, warbaahinta tagaan, oo eey kasheegaan in eey cafiyeen gacan-kudhiigle Ceeydiid, dowladi maqisaasi karto. Hadiise dadkii wiilkooda ladilay, hanoola dilo taagan yihiin, maxkamadna xukuntay, dadkii xal wanaagsan oo Gacan-kudhiiglaha lagusii deeynayo, wado wanaagsan uga shaqeyn lahaa, eey ubahanjabayaan madaxweynihii dalka, raysalwasaarihii qaranka, iyo waliba dadkii iyo deegaannadii eey kakala dhasheen, oo qabyaalad dad lagu kicinayo, wallee  umaleynmaayo in wanaag kasoobaxayo arintan. Tani waxeey lamid tahay buuqii lakiciyey markii Sh.Xasan Daahir Aweys dowladu lawareegeeysey, sida qabyaaladii labuufinayey, boorarkii iyo makarafoonmadii dumarka iyo caruurta loosoodhiibayey. Nasiibwanaagse! Madaxweynihii xilligaa waxba uma jixinjixine, awooda dowladeed ayuu duldhigay oo uisticmaalay, oo waakii Alpha Group ka adeejiyey. Cidina markaa jeebka kalama soobixin “Kaarka Hiraab!”, mararka lalasoobaxo iyo cida kaliya ee jeebka kalasoobaxdase Soomaali weey wadataqaan.

DILKII MARXUUM CABBAAS MA KAMA’ BUU AHAA MISE KAS?

Maxkamada saree qaranka ummada Soomaaliyeed, waxeey xukuntay in uu dilkii lagu khaarijiyey marxuum Cabbas Siraaji kas iyo ulakac ahaa. Wuxuu gudoomiyaha maxkamada sare sheegay in horta qoreygu cabbeyn rabo, jiheyn rabo, iyo shiishid, si sujuudda aad wax ugatoogato. Siduu sheegay gudoomiyuhu meesha dilku kadhacay, waxaa kahoreeysey goob check-point ah, oo askarta dowladu joogaan. Wuxuu yiri: “Waa meel aanu kasoo gudbikarin qof aan ID-giisa lagusoo deyn”. Wuxuu gudoomiyuhu intaa kudaray in meeshu aaneey aheyn meel cadowga looga baqayo. Wuxuu yiri: “Baabuurtu weey isdaba socdeen. Kan xeer-ilaaliyaha ID-kaarkooda ayey kusoo gudbeen. Wasiir Cabbaas iyo askarigii lasocdeyna ID-gooda ayey iyana kusoo gudbeen. Waloow meel lagu kalashakiyo aaneey meeshu aheyn, hadana markii xabada hore kor loogu riday gaarigii marxuum Cabbaas, waxeey shideen nalka dhexe, bal si loo aqoonsado, loogana shakibaxo, una muujiyaan in aaneey cadow aheyn, kalsooni galin iyo wardhib majiro ayey ushideen”. Waxaase Nasiibdarro! Jawaab looga dhigay in wasiir Cabbaas aan xitaa gaarigiisa labeegsan, oo aan isaga xataa meelkale xabadda looga dhufane, barta sujuuda ah lagala beegsado.

Waxaa intaa kasii xanuun badan. Dadkii Marxuum Cabbas uu kadhintay ayaa waxaa sanka laga galinayaa “Kas ayuu kudhintaye, war Diyo maqaadaneeysaan mise maya!!!”. Maxeeyba wax cafiyaan ama Diyo qaataan, mar hadii sidaaba hadalku yahay, iyadoo guddoonka maxkamada sare sidaa wax ufaahfaahiyey. Xaalku soow ma aha Gacan-kudhiigle Ceeydiid, waa Laandheere,  oo beel weyn buu kadhashay, sidaa daraadeed cid taabankartaahi majirto, xitaa haduu wasiir dowlada katirsan kas cad udilay, isagoo rajo kaqaba in uu kubadbaadi doono. Dowladnimoow xaal qaato.

GABAGABO IYO GUNAANAD

Ugu dambeyn dowlada waxaa looga baahan yahay in eey muujiso dowladnimo, iyo in cid dowlada isbaaro-beeled udhigan karta aaneey jirin, sharciguna shaqeeynayo. Wixii wanaaag wax kuraadin ahna la isla fahmikaro, balse dowlada aaneey cidi hanjabaad waxba uga qaadeeyn. Taasina waa in eey ka muuqataa sida arintan gacan-kudhiigle Ceeydiid eey kusoo afjarto. Hadiise hanjabaadahan, iyo isbaaro-beeleedkan shaqeeyaan, oo reerkii wasiir Cabbaas oo aan iskood isaga cafin gacan-kudhiiglaha lasiidaayo, ama dilka lagu xukumay xabsi loogubadalo, oo aan sharciga si aan gambasho laheyn loomarsiin, wallee dowladaaneey moos in aad tahay laguwada arkaye, Allaha kuunaxariisto.

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor).

Maamule-Kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka Iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin/Bare ka ahaa. Al-Madinah International University

abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid