Xaaf oo ka dagay Magaalada Berbera ee Maamulka Somaliland

Berbera (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa xoogaa ka hor gaaray magaalada Berbera ee Maamulka Somaliland.

Madaxweynaha oo safar ugu maqnaa dalka Imaaraadka oo uu kala soo heshiinayey go’aanka Galmudug ee Khilaafka Dowladaha Khaliijka ayaa lasoo sheegayaa inuu hadda ka dagan Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Berbera oo ay gacanta ku hayaan dowladda Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu halkaas uga sii gudbi doono Magaalada Cadaado oo ah xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu maamulkiisa xiriirka u jaray dalka Qatar isla markaasna uu taageersan yahay dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Go’aankaas ayaa waxaa ka dhashay Khilaaf kadib markii ku xigeenkiisa Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Casir ay ku dhawaaqeen inaysan go’aankaas ku raacsaneyn Xaaf isla markaasna uusan isaga kaliya xukumin Galmudug.

Go’aanadaas is khilaafsan ayaa keenay inay Magaalada Cadaado gasho xaalad xasarad siyaasadeed ah, waxayna arrintaas keentay in shalay magaalada ay noqoto ciidamo xilli la joojiyey shirar la filayey inay halkaas ku yeeshaan Xildhibaanada Galmudug.