Xaaf oo wada qorshe uu ku magacaabayo golaha wasiirada maamulkiisa cusub

Cadaado (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaalle Xaaf ayaa ku howlan la tashiyada Odayaasha dhaqanka beelaha dega Galmudug.

Xaaf ayaa Odayaasha kala tashanaya hanaanka xulista Golaha Wasiirada maamulka cusub ee Galmudug, waxa uuna ka dhageysanayaa sida loo soo dhisi lahaa Golo ka duwan kuwa hadda shaqeeya.

Xaaf ayaa Odayaasha u sheegay inuu doonaayo inuu magacaaboWasiiro aan dhaliil laheyn isla markaana ku imaan doona rabitaanka Odayaasha dhaqanka.

Xaaf ayaa Odayaasha u sheegay inay suuragal tahay in mar kale ay soo laabtan Wasiirada qaar, halka qaarna ay weyn doonaan xilalkooda.

Waxa uu Odayaasha u sheegay inuu ka fiirsan doono Wasiirada cusub ee uu soo magacaabi doono, kuwaa oo uu tilmaamay inuu kusoo xuli doono aqoontooda shaqo.

Sidoo kale, Xaaf waxa uu Odayaasha u ballanqaaday inuu qadarin doono rabitaankooda si buu yiri Golaha ay uga dhexmuuqdan Wasiiro xul ah oo kasoo kala jeeda beelaha, iyadoo aan la ilaawi doonin kaalinta ay leeyihiin Odayaasha beelaha.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in Hogaamiyaha maamulka Galmudug uu magaacaabo Golaha Wasiirada maamulkiisa, waxaana meesha ka bixi doona Wasiirada hadda shaqeeya.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com