Xamar jid maleh jiifna maleh (Faallo)

Xamar waa caasimadda qura ee  aan 50% la isticmaalin.

Muqdisho waxey u xiran tahay Hogamiyaal xisaabsan, Hantilayaal lama taabtaan ah, Cadaan aan cidna u nixin, Carab kuleh cuntaan ku siinaa, Afrikaan amaan sheeganaya iyo igaar kale.

Dowladdii waxey hadda leedahay xaafaddo shacab dagan yihiin ayaan rabnaa ee halaga guuro si aan iyagana u xirano, oo xagee lagu noolaan ama la mari, Ma ogi.

Xafiis kasta oo Dowladeed aaga u dhow waa xiran yahay ,bal qiyaas immisa xafiis Dowladeed ayaa Xamar ku taala.

27-ka wasiir iyo ku xigeenadooda inta xaafado dagan waa xirteen wadooyinkii u dhowaa.

17-ka gudoomiye dagmo ee gobalka Benaadir waa xirteen wadooyinkii iyo xaafidihii u dhowaa goobta ay dagan yihiin.

25-ka hotel ee magaaladda ugu waa weyn waa xirteen wadooyinkiii iyo xaafidihii u dhowaa.

15-ka fariisin ee ay ciidanka Dowladdu magaaladda ku lee yihiin waa la xiray xaafidihii iyo wadooyinkii u dhowaa.

Ciidamadda shisheeyuhu ugu yaraan 10 goobood ayey xirteen xaafidihii iyo wadooyinkii u dhowaa.

Xalane waxey noqotay lama galaay.

Xildhibaanadda qaarbaa xaafaddo xirtay.

Xeebtii Liido iyo Jaziira ganacsataa xiratay.

Garoonka diyaaraha iyo madaxtooyadda xaafadihii ku xeendaabnaa waa xayirmeen.

Safaaradaha shisheeye dhul suuq noqon karay ayaa mid walba loo suntay kadibna silig ayey ku ooteen.

Siyaasiyiin saaxadda ka baxay xitaa dhankooda xaafaddo ayey xayireen.

Waxaan ku noolnahay magaalo sidaas loo kala xirtay , goobtaada shaqadda iyo gurigaada saacad ayaa laga yaaba inaad u socoto xitaa hadii ay 10 daqiiqo isku jiraan sababtuna waa suudleyda aan kor ku xusay.

Isla suudleydaas ayaa hadda raadineysa iney dad shacab ah barakiciyaan si ay u xiraan jidad iyo xaafaddo horleh oo magaaladda ka mid ah xili ay dad badani sugayeen in goobaha xayiran xal loo helo

Fadlan caasimadda cuuryaaminta ka dhaaf.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@gmail.com