Xaqiiqda ‘baxsashada’ Janan – Xogta dowladda Somalia iyo tan maamulka Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay war yaab leh oo ah in gurigii uu ku xirnaa ee magaalada Muqdisho uu ka baxsaay wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, isla markaana aan la aqoon halka uu hadda ku sugan yahay.

Qoraal ay soo dhigtay barta twitter-ka ayey taliye ku-xigeenka labaad ee booliska Zakiya Xuseen ay ku tiri “Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xirnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga, inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan.”

Haddaba Janan ma baxsaday mise waa lasii daayey, sideese u baxsaday haddiiba ay sax tahay baxsashada? Caasimada Online ayaa la hadashay xubno ka tirsan dowladda iyo maamulka Jubbaland.

Xubnaha ka tirsan dowladda oo nala hadlay, balse codsaday inaan la magacaabin sababo la xiriira xasaasiyadda arrintan darteed, waxay sheegeen in Janan shan maalmood ka hor laga soo saaray xabsiga, isla markaana la keenay guri u dhow xarunta hay’adda NISA ee magaalada Muqdisho.

Cabdirashiid ayay sheegeen inuu markaas kadib saaka ka baxsaday guriga, isaga oo ka booday daaqadda guriga. Waxay sheegeen in ciidamada ilaalada ka ahaa inay goor dambe ka war-heleen maqnaanshaha Janan.

Caasimada Online waxaa lala wadaagay sawirka hoos ka muuqda oo la sheegay inuu yahay mid muujinaya daaqadda uu Janan ka baxsaday. Sida sawirka aad ku aragtaan, waxaa la jaray birihii daaqadda, oo sida muuqata aan gacan lagu goyn Karin, inuu helay Janan qalab uu ku jaro mooyee.

Daaqadda la sheegay inuu ka baxsaday Janan

Sida ay sheegeen saraakiisha aan la hadalnay, waxaa jira tuhun ku saabsan inay caawiyeen qaar ka mid ah ilaalada, oo lacag la siiyey, balse taas ma hubno.

Caasimada Online waxay sidoo kale la hadashay mas’uul sare oo ka tirsan maamulka Jubbaland, waxaana uu sheegay in aragtida iyo “xogta” Jubbaland ay tahay in Janan lasii daayey, oo aysan jirin wax baxsasho ah, sida uu hadalka u dhigay.

Mas’uulkan oo naga codsaday inaan magacaabin, maadaama Jubbaland uusan weli gacanteeda soo gelin Janan, waxa uu sheegay in “Sii deynta” ay qeyb ka tahay xiisadda ka taagan gobolka Gedo.

“Waxaa jira ballan-qaad iyo heshiis uu madaxweyne Farmaajo la galay odayaasha iyo maamulka degmooyinkii Gedo ee u goostay dhanka dowladda, oo ahaa in haddii ay kasoo goostaan Jubbaland lasii deyn doono Janan.” Ayuu yiri qofka nala hadlay.

Waxa uu sheegay in dowladda ay muddo iska daba meerineysay dadka Gedo, oo ku beel ah Janan, balse ay toddobaadyadii dhowaa qaarkood billaabeen inay dib ugu laabtaan Jubaland, taasi oo qasabtay in madaxweynaha uu fuliyo ballantii ahayd in lasii daayo Janan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaas ku daray, in maadaama Janan ay horey u eedeeyeen hay’adaha xuquuqda ee caalamiga ah, aysan si rasmi ah usii deyn Karin dowladda, sidaas darteedna la hindisay sheekada baxsashada, sida uu yiri.

Sheekada Janan ayaa la filayaa inay kala caddaato maalmaha soo socda, waxaana weli ku haynaa baaritaan dheeri ah.