Xaqiiqda heshiiskii dekedda Berbera iyo doorka DF + Halista madax banaanida Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa door weyn ku laheyd heshiis dhexmaray maamulka Somaliland iyo Dowladda Imaaraadka, kuna saabsan dhismaha dekad iyo saldhig milatarioo dherarkiisu yahay 80 km oo Imaaraadku ay ka dhisanayaan xeebta Berbera ee Somaliland.

Doorkaasi oo dowladda Somalia ku laheyd heshiiskaasi ayaa halis gelin kara dadaalka ay Somaliland ku dooneyso in loo aqoonsado dal ka madax bannaan Somalia.

Wargeyska Haatuf ee ka soo baxay magaalada Hargeysa, ayaa  soo daabacay warbixin oo uu ku tilmaamay in Dowladda Imaaraadka oo Somaliland aan u aqoonsaneyn Dowlad madax-bannaan in heshiiska ay u soo marisay Dowladda Soomaaliya ee caalamku aqoonsan yahay, isla markaana ay dalad u noqoneyso heshiiska Saldhiga ee ay Imaaraadku doonayaan inay la galaan Somaliland taasoo khatar weyn galinaysa madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland maadaama ay Dawladda Somalia iyo Imaaraadku yeelanayaan talada iyo awooda go’aaminta kama dambeysta ah ee ku taxaluuqsan siyaabaha loo hirgalinayo ama mustaqbalka wax-looga baddeli karo ama looga bixi karo heshiiskaas.

Wargeyska wuxuu intaa raaciyay in heshiiska uu qeyb ka yahay in Dowladda Imaaraadka ay adeegsadaan ciidamo Masaari ah oo ay keenaan saldhiga cirka iyo badda ee ay rabaan inay ka sameystaan Berbara taasoo suurtogalin karta inay xoogagagaasi iyo Somalia isu kaashadaan sidii ay Somaliland u qabsan lahaayeen.

Sida wargeysku uu qoray, ujeeddada ugu weyn ee ay Imaaraadku u danaynayaan saldhiga ay Berbera ku yeeshaan waxay tahay in madaarka Berbera ay diyaaradahooda dagaalku ka duqeeyaan ciidamada ay dagaalka kula jiraan ee Xuutiyiinta Yeman isla markaana ka hortagaan ciidamada badda ee Iiraan si aanay xeebta Somaliland uga taakulaynin Xuutiyiinta ay isku xulafada yihiiin.

Haddaba Somaliland halista ay hawlgalada milatari ee caynkaas ahi u soo jiidi karaan waxay tahay Xutiyiinta oo kaga jawaaba gantaalada riddada dheer oo ay ku soo ganaan Berbera iyo bartilmaameedyo kale oo ku yaala dhulka Somaliland. Xuutiyiintu waxay haystaan sawaariikhda Iskander ee dalka Iiraan lagu sameeyo ee gaadha ilaa 800 km waxaana rideyaal iyo hogaamiyeyaal ka ah saraakiil reer Iiraan. Waxa kale oo ay adeegsadaan saaruukh ka rido gaaban oo loo yaqaan Scud(Iskad).

Wargeyska waxaa kale uu sheegay in Baashe Cawil oo ah wiil uu qaba gabadha Madaxweyne Siilaanyo isaga oo isticmaalaya awoodii madaxweynaha Somaliland inuu yahay qofka kaliya ee Imaaraadka kala soo xaajooday arinta saldhiga islamarkaana isagu haatan dabada ka riixaya in heshiiska saldhiga laga ansixiyo Baarlamanka iyadoo aanay ku xirnayn wax shuruud ah oo ay Somaliland kaga faa’iidaysanayso lacag Baashe ka soo galaysa mooyaane.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com