Xaqiiqda tirada xildhibaanada madasha Horusocod iyo 5 waxyaabood oo laga bartay

Muqdisho (Caasimada Online) –  Waxaa dhawaan laga dhawaajiyey in ku dhawaad 100 Xildhibaan ay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga dhawaaqeen madal loogu magac daray Horosocod oo guddoomiye looga dhigay Cabdirashiid Xiddig.

Haddaba Caasimadda Online ayaa maalmihii ugu dambeeyey waday baaritaan rasmi ah oo ay ku waday tirada Xildhibaanada la sheegay inay Nairobi ku shireen isla markaasna ay ku dhawaaqeen Madashaan cusub, waxaana soo baxday Qodobada hoos ku qoran:

  1. Ilaa hadda ma jirto xaqiiq rasmi ah oo loo hayo inuuba Nairobi ka dhacay kulan ay isugu imaadeen Xildhibaanada la sheegay inay madashaan ku dhawaaqeen, ma jirin sawir iyo muuqaal laga qaaday shirkaas.
  2. Tirada Xildhibaanada la sheegay inay madashaan ku dhawaaqeen oo laga been sheegay, haddiiba ay jirto koox heysata 80 Xildhibaan iyo wax u dhow waxay isugu wici lahaayeen Saxaafadda isla markaasna waa loo soo bandhigi lahaa, taasna waxay muujineysaa inaysan jirin Xildhibaano badan oo ololahaan wado, waxaana lagu qiyaasay tiradooda inay gaareyso ku dhawaad 15 Xildhibaan.
  3. Guddoomiyaha Madasha Horusocod Cabdirashiid Xiddig ayaa nafsad ahaantiisa qiray inaysan jirin Xildhibaano xataa gaarayo 20 xildhibaan oo Nairobi ku shiray mar uu ka qeyb galayey Dooda jimcaha ee VOA, wuxuuna tilmaamay inay Nairobi kulamo ku qaateen xildhibaan shaqo ka imaaday oo halkaas Transit ku ahaa.
  4. Markii ay madasha Shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Muqdisho, waxaa cadaatay inaysan jirin Xildhibaano badan oo Horusocd ka mid ah, maadaama ay meesha soo xaarideen Xildhibaano aan gaarsiisneyn ilaa 15 Xildhibaan.
  5. Madasha Horusocod uma eko mid sii socon doonto, sababtoo ah liiska uguma jiraan Xildhibaan qibrad iyo aqoon u leh loolanka siyaasadeed, marka laga reebo guddoomiye Xiddig oo dhowr lagdan oo siyaasadeed ka qeybgalay iyo Xildhibaan Saadaq Cabdikariin oo ahaa agaasime ku xigeenka Madaxtooyada xilligii Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana muuqato in darajadiisa iyo qibradiisa aysan dhaafsiisneyn (agaasime ku xigeen)!!!

Ugu dambeyntii dhawaan markii madashaan looga dhawaaqay Magaalada Nairobi waxaa saxaafadda iyo bulshada Soomaaliyeed lagu dhex faafiyey inay ka dambeeyaan Xildhibaano gaarayo ilaa 100 Xildhibaan, waxayna arrintaas kusoo biyo shubatay ilaa 20 Xildhibaan.

Dhawaan Caasimadda Online ayaa idin soo gudbin doonto Documentiyo iyo caddeymo ku aadan Madasha Horusocod, dadka gadaal ka riixayo iyo ujeedka rasmiga ah oo ay leeyihiin.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET