Xaqiiqooyinka aad u baahan tahay inaad ka ogaato dhibaatada ka taagan masjidka AL-AQSA

Ciidamada Yahuuda (Israel) ayaa Jimcihii 2-aad oo xiriir ah waxa ay diideen in muslimiinta ay salaada jimcaha ku tukadaan masaajidka barakeeysan ee Al-Aqsa.

Kumannaan kun oo Falastiin ah ayaa wali banaanka taagan, kuwaas oo la dagaalamaya askarta Yahuuda oo mararka qaar xabado ridaya.

Yahuuda waxa ay sheegeen in hada kadib qof walbo lagu baari doono qalab marka uu masaajidka galaayo laakin taas wey diidan yihiin shacabka Falastiin.

Sheekh Maxamed oo ah imaamka masaajidka barakeysan ee Al Aqsa ayaa yiri “Wallahi baan ku dhaartay in masaajidka Al Aqsa uu sii xirnaan doonin, Alle ayaa ina caawinaya”.

Aqsa waa masaajidkii laga dheelmiyay habeenkii Rasuulka SCW uu aadayay Samada si uu Alle ula soo kulmo. Waa masaajid uu ku tukaday rasuulkeena Maxamed SCW.

Nabi Suleyman ayaa masaajidka dhisay, waana masaajidka 3-aad ee islaamka. Taariikh ahaan masaajidka waxaa ku duugan sir badan oo ay rabaan in Yahuuda ay ogaadaan, taas oo Muslimiinta ay diidan yihiin.

Masaajidka waxaa halmar ku tukan karta inka badan 6 Kun oo muslimiin ah, waxaana la aas aasay kumanaan sano ka hor. Wuxuu ku yaalaa magaalada Qudus oo yahuuda ay u baxsadeen Jerusalem, laakiin caadiyan waxaa markii hore halkaas maamuli jiray muslimiinta.

Walaalaha dhibaatada ay ku socoto iyo Yahuuda ayaa hada isku hor fadhiya Masaajidka Al Aqsa, Ogow qoraxda ayaa ah mid aad iyo aad u kulul, walina laguma tukan.

Sheekh Salaaxudiin oo aad looga yaqaan Masar ayaa shacabka masaarida iyo kuwa islaamka ku dhiiro galiyay in ay kacaan oo ay muujiyaan dareenkooda in ay islaam yihiin.

Al- Aqsa waa Masaajid alle uu barakeeyay, qeybta kore ee masaajidka waa halkii Cumar Radiyallahu Canhu uu koray kadibna khudbad ka jeediyay, waa masaajid marnaba aysan ka gorgortami karin islaamka.

Ku dhowaad ilaa 13 qofood ayey ilaa iyo hada dhaawaceen yahuuda, qaarkood ayaa halis ah sida cunug 11 jir iyo oday kale oo waayeel ah.

Waxaa Qoray: Idiris Abdulkadir Mohamed

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com