Xasan Muudey: Waxaa cajiib ah sida Xildhibaanada ay uga jawaabeen baaqeygii

Xasan C/qaadir Muudey oo xubin ka ah Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee PDP, ayaa si diiran u soo dhaweeyay tallaabada galabta lagu doortay C/weli Sheekh Ibraahim Muudey.

C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, ayaa waxay Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya u doorteen in uu noqdo Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka, ka dib tartan 2 wareeg ahaa.

C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, ayaa wareegii 2-aad kaga adkaaday Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, oo ka mid ahaa illaa lix murashax oo isu soo taagey xilkaasi.

Xasan C/qaadir Muudey, ayaa yiri “Waxaa cajiib ah sida Xildhibaanada ay uga jawaabeen baaqeygii ahaa inaysan dooran shakhsi ku fashilmay siyaasadda dalka, waxna aan ka garanayn taariikhda dalkeena.”

Markale waxaa uu yiri “Waan mahdinayaa inaysan Xildhibaanadu dooran shakhsigii la tartamaayay Xildhibaan C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, waana shakhsigii ka masuulka ahaa khilaafkii ragaadiyay 3-dii xukuumadood ee dalka soo maray, mudadii 4-ta sano ahayd ee dalka uu Madaxweyne ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.”

Qoraal uu soo dhigay barraha bulshada, ayuu ku yiri “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay guusha uu gaaray Xildhibaan C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, waana ugu hambalyeeynayaa guushaan, maxaa yeelay waa siyaasi mudan in codka la siiyo.”

Ina Muudey, ayaa qaba sababta Xildhibaanada u qaateen baaqiisa ay tahay, isagoo nin dhalinyaro ah iyo dhalinta oo ku badan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya.

“Anigu waxaan ahay nin dhalinyaro ah, inta badan Xildhibaanadana waa dhalinyaro, waxaa laga yaabaa inay taasi u sabab tahay ka jawaabidda baaqeyga.” Ayuu yiri Muudey.