Xasan Sheekh oo kala jabshay golaha wasiirada, kana helay ballan-qaadyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar xog ogaal ah oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kala jabiyay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia oo qaar ka mid ah ay horey u taageersanayeen ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay wasiiro ay kamid yihiin Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka, Wasiirka Amniga qaranka, wasiirka maaliyadda iyo wasiiro kale, kuwaas oo taageero ballaaran u muujiyey, sida ay Caasimada Online ogaatay.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu wasiiradaasi u ballan qaaday in maqaamkooda wasiirnimo uusan marnaba lumi doonin, waa haddii ay suuragaliyaan in dhan waliba laga cadaadiyo Ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Wasiirada iyo madaxweynaha ayaa ku heshiiyey inay is wada cisilaan, haddii xal kale la gaari waayo, balse marka hore laga war sugo cadaadis beesha caalamka ay iminka ku waddo Cabdi Weli.

Waxaa sidoo kale madaxweynaha iyo wasiirada ay isla garteen inay dhinacooda ka riixan mooshin deg deg ah oo laga keeno ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Dhanka kale, waxaa faraha kasii baxaayo Khilaafka waxaana loo aaneynayaa inay sii ololinayaan Golaha wasiirada iyo xildhibaannada oo u arka fursad ay lacag uga cunaan labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com