Xasan Sheekh oo sheegay waxa uu sameyn doono haddii doorashada looga adkaado

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu si sharaf leh Xilka ku wareejiyo haddii looga guuleysto Doorashadda Madaxtinimadda ee soo socota.

Madaxweynaha ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Telefishinka NBS ee dalka Uganda, wuxuuna tilmaamay inuu u hoggaansami doono Natiijadda Doorashadaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ah Madaxweynihii ugu horreeyey ee Dowladda Federalka Somalia waxa la xusuustaa in si sharaf leh loogu wareejiyey Xilkaasi, kadib markii uu Madaxweynihii Dowladdii KMG, Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu kaga guuleystay Doorashaddii Madaxtinimadda ee sannadkii 2012-kii.

Warerysiga uu Madaxweynuhu siiyey NBS TV ayaa ku soo beegmay hal maalin kadib, markii uu soo bandhigay Ajendahiisa Shaqo ee uu dalka ku hagi doono, haddii mar kale loo soo doorto Xilkaasi.

Murashax Xasan Sheekh waxa uu Qorshihiisa shaqo asaas u dhigay Qoddobo uu sheegay inay kaabi doonaa Hawlihii qabyada ka noqday.

Waxa uu Labada Gole ee Barlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday  inay Codka Kalsoonida siiyaan, si uu u dhamaystiro Qabyadiisa, wuxuuna Hal-qabsiga Ololihiisa Doorashadda ka dhigtay Qabyo qofkeeda dhamaystira.

Waxa kale oo carrabka ku dhuftay inuu hiigsan doono Qoddob ay ka mid yihiin: Hiigsiga Cuusb, Dhamaystirka Dastuurka, Dhismaha Siyaasadda Cusub ee Qaranka ee afarta sanno ee soo socota, Dhamaystirka Maamul-gobaleedyadda, Talo-wadaagista iyo Adkeynta Ammaanka dalka.

Waxa kale oo uu xusay inay Dowladiisa abuuri doonto Hay’ad Khaas oo u xil-saaran La-dagaalanka Musuqa iyo Maamul-xumida, iyadoo horey loo caal la’aa Xakamaynta Musuqa ku xidideystay Nidaamka Dowladnimo.

Si kastaba ha ahaatee, Doorashadda Madaxtinimadda ee la filayo in la qabto Bartamaha bishan Janaayo waxaa ku tartami doona Labaatameeyo Murashax oo u taagan Xilka Madaxweynaha 10-aad ee JFS, waxaana Murashaxiintaasi ka mid ah Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’isul-wasaarihii XFS, Cumar C/rashiid iyo Siyaasiyiin kale oo magac iyo miisaan ku dhex leh Masraxa Siyaasadda ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com