Xasan Sheekh oo baarlamanka u diray farriin ku aadan golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa si cad u sheegay inuusan ku qanacsaneyn liiska golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya balse uu dalbanayo in baarlamaanka ay ansixiyaan.

Maqaal uu soo saaray Xasan Sheikh Maxamuud uuna ugu magac daray Soomaaliyeed I maqal ayuu qeybaha dambe ku cadeeyay in shaqsiyaad ka tirsan liiska golaha wasiirada uusan ku qanacsaneyn, balse uusan eegeyn shaqsiyaadkaasi.

Wuxuu sheegay in baarlamaanka ay eegaan waqtiga ka dhumay Soomaaliya oo xukuumad la’aan ay aheyd iyo waqtiga harsan oo la doonayo in dalka wax badan looga qabto, sidaasi daraadeedna ay ansixiyaan liiska golaha wasiirada.

“Dadka ku qoran liiska xukuumadda la soo magacaabay dhammaantood kuma qanacsani laakin qof iyo labo ila xun awgood ma qabo in loo hor istaago dhismaha xukuumadda”

“Sidaas daraadeed waxaan usoo jeedinayaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan xubnaha golaha shacabka ee aan ka mid ahay, iney go’aankooda la xiriira ansaxinta xukuumadda ay aad uga fiirasadaan oo aaney ku saleyn rabitaan ama caro manta ku eg.”

“In badan oo hadda ku jirta liiska xubnaha xukuumadda waxaa hubaal ah muddo dhaw ka hor kuma ayan riyooneyn iney Wasiir noqon doonaan waana noqdeen adigu ma ogid meesha ay fursaddaasi kuu soo jirto ee noqo mid walaalkii fursad siiya si uu isna berri fursad u helo markiisa” ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.

Maqaalka uu ugu magac daray Soomaaliyey I maqal ayaa u muuqday mid uu ku cabirayay waayo aragnimadiisa dhibaatooyinka dalka Heysta iyo sida looga baahan yahay shacabka iyo madaxda Soomaaliyeed.