DF oo ka hadashay geerida wasiir Jubaland uga dhintay weerarkii Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Federaalka ah ee Somalia ayaa qirtay inuu dhintay Wasiirkii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha maamul Goboledka Jubbaland Maxamed Yuusuf Aw Libaax.

Xukuumada ayaa sheegtay in Wasiirka uu dhintay habeenimadii xalay, kadib markii uu soo gaaray dhaawac ka dhashay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay afafka hore ee Saldhiga Deg. Waabari ee Gobolka Banaadir.

Wasiir Aw Libaax ayaa inta uusan geeryoonin waxaa dhaawac culus uu ka soo gaaray Qaraxaasi, isaga oo xilliga uu Qaraxa dhacayay fadhiyay dhinaca laamiga, gaar ahaan guri ku dhagnaa Saldhiga.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XF Somalia Khadiijo Maxamed Diirye, ayaa Warbaahinta u xaqiijisay inuu geeriyooday Maxamed Yuusuf Aw Libaax Wasiirkii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maamulka Jubbaland.

Sidoo kale, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somalia Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in DFS ay ka tacsiyeyneyso Geerida Wasiir Aw Libaax iyo dhamaan shacabkii ku waxyeeloobay Qaraxii saldhiga degmada Waaberi.

Weerarka oo loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ee loo yaqaan Saaruf ayaa waxaa ku dhintay ilaa 11 Ruux oo isugu jira ciidamo iyo dad shacab ah, halka dhaawacanaha uu intaa kasii badan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com