Xidhiidh noocee ah ayey Somaliland ka filaysaa madaxweyne Farmaajo?

Marka hore nabada iyo naxariista Eebe korkiina ha ahaato, salaan kadibna waxaan idinkusoo dhaweynayaa faallo yar oo aan ku iftiimin doono waxa uu noqon doono xidhiidhka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mud. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Soomaaliland, Eebe weyne ayaa og waxa dhici kara mustaqbalka dhaw iyo kan fog labadaba, laakiin waxaan dhinacyo badan ka eegayaa sidda Madaxweyne Farmaajo ay ka qabaan bulshada Soomaaliland aniga oo ku dul istaagaya hadaladii iyo habadhaqankii hore ee Farmaajo oo aan ka dhiganaayo tiirar aan qoraalkan ku saleeyo, Qaybta hore ee qoraalka kooban waxaan ku lafaguri doonaa waxa uu Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ka aaminsanyahay Soomaliland iyo hadaladiisii ololaha ee kuwajahnaa Soomaalilaan.

Ma bilaaban dhibka Soomaaliya sagaashan iyo Kowdii (1991), Dhibka Soomaaliya runta marka aan idiin sheego wuxuu bilaamay lixdankii (1960), oo la rabo in laga bilaabo dib u heshiisiinta, dad soomaliyeed oo walaalaheen ah ayaa intii dawladnimada Soomaaliyeed jirtay la takoori jiray, Dadkii la dhibi jiray ee walaalaheen ee la takoori jiray in la raali geliyo magdhowna la siiyo, dhibkaas lixdankii bilaamay inaga sagaashan iyo kowdii ayey dhaxdeena ka bilaamatay oo aynu dareenay, wixiina waanu soo celin weynay, Dadkaasi waa dad layaqaan…..” waxa yidhi Maxamed Cabdulahi Farmaajo, Xili uu ka hadlaayey dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed isla markaana uu ku jiray loolankii adkaa ee Madaxtinmada oo uu ku guulaystay, hadaladan noocan ah iyo kuwo kale oo badani waa kuwo rajo iyo mustaqbal wanaagsan u ifiyey guud ahaan shacabiga Soomaaliyeed, halka dadka Somaliland ay dareemayaan in marka lasoo hadal qaado taariikhda Lixdankii ay qayb muhiim ah ka soo gelayaan.

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Muxuu yahay ajandaha iyo qorshaha uga yaal Soomaaliland Oo Madaxbanaanideeda dib ulasoo noqotay 1991kii, kana go’day Soomaaliya inteeda kale, dhistay oo buuxisay dhamaan shuruudihii dal looga baahnaa, Isla markaana Farmaajo sida hadalkiisa laga dareemayo uu ku daray tirada dadka Soomaaliyeed ee 1960kii la dhibi jiray ama la takoori jiray, una baahan in magdhaw lasiiyo. Isaga oo ka hadlaaya Soomaaliland wuxuu yidhi: “ Walaalaheen Somaliland, waqooyiga dadka degan, waxay ku qanacsanyihii, si midnimadii loo sugo, in lasiiyo, maxaayeelay anaga midnimadda ayaa nooga weyn wax-walba, In lugu qanciyo wax allale waxay rabaan in lugu qanciyo, maxaa yeelay waxa aanu ka hadlaynaa maaha 1 sano iyo 4 sano, 30 sano ayaanu ka hadlaynaa iyo wax kadambeeya 100 sano iyo caruurteena ayaan ka hadlaynaa, markaa dadkaas(Somaliland) in aynu soo dhaweyno oo walaalaheen ah oo wada hadal iyo wada xajood dhab ah lala galo oo lugu qanciyo wax allaale waxay raali ku yihiin si iyaga laftigoodu ay qayb uga noqodaan midnimada iyo horumarka Soomaaliya……………..”

Maxaad ka dareentay hadalkan Mr.Farmaajo, Ma waxaad ka dareentay Midnimo Soomaaliya (Konfur) iyo Soomaalilaan (Waqooyi) dhex marta?, mise waxaad ka dareentay kala go’id iyo labada gobol in ay kala dhaqaajiyaan?, Haye tii aad hadalkan ka dareentid ee aad kalasoo dhex baxdaaba waa tii kale. Inta aanan ka jawaabin aan ku horeysiiyo Madaxweynaha cusub Ee Farmaajo markii uu ololaha ku jiray wuxuu ka hadlay oo carabka ku soo celcelinaayey Ereyga “Midnimo”, haa oo dhamaan inta uu madaxweynaha u noqonaayo ayaa kala daadsan oo kala firiqsan, qaarkoodna waxay yeesheen maamulo iyo dawlado ka xoog weyn tan uu madaxweynaha u noqonaayo ee uu dhawaan soo dhisi doono. Marka uu Soomaalilaan soo hadal qaado waxa hadaladiisa ka mid ahaa “….. In lugu qanciyo wax allaale waxay rabaan……..”, Ma is weydiisay wax allaale waxa ay dadka Soomaalilaan-Waqooyi ku qanci karaan?, Haa dhamaanteen waynu garanaynaa, oo waa In Xukumada Soomaaliya ee Farmaajo madaxweynaha ka yahay ay fasaxdo isla markaana u aqoonsadaan Dal madax banaan iyo dawlad gaar ah oo iskeed u taagan. Sax hadii ay sidaas tahay, waxaa isweydiin muddan side lugu gaadhi kar’aa?, sida fikirka saliimka ah iyo maskaxda wanaagsani dhigayso waa wada-hadal, Haye ii hay halkaas, mid kale ee isweydiinta mudan ayaa ah, Sidee ayuu madaxweyne Farmaajo u sheegay in lugu gaadhi karo in dadka Soomaalilaan lugu qanciyo wax allaale waxa ay rabaan?, waxaa ka jawaabay Farmaajo oo hadaladiisii waxa uu kamid ahaa “…….In aynu soo dhaweeyno walaalaheen(Somaliland) oo wada hadal iyo wada xajood dhab ah lala galo oo lugu qanciyo wax allaale waxay raali ku yihiin……….”, waa run oo isku imaatin iyo kulan la’aan cidna wax meel islama dhigto, Sida muuqata qodobkaas aan soo sheegay waa mid guul u ah dhamaan Soomaalilaan, waana hordhaca xidhiidhka uu madaxweyne kula dhaqmi doono Soomaalilaan ee dadka Somaliland-na ay ka sugayaan, sidii uu sheegay Farmaajo wuxuu balanqaadkiisii ku adkeeyey in wada hadaladii hore Ee Soomaliya iyo Soomaalilaan dhex mari jiray ay ahaayeen kuwo dabacsan ama jilicsan, halka uu isagu sheegay in wada-hadal dhab ah! Hada waa Dhab ah! Uu la geli doono Somaliland, waana mida aan u cuskanaayo in ay noqon doonto isbedel iyo xidhiidh cusub oo u furma Somaalilaan iyo Madaxweyne Farmaajo, Mida kale ee is weydiinta muddan ayaa ah marka Soomaalilaan ay dawlada Soomaaliya ee Farmaajo madaxweynaha kayahay ay Soomaaliland u samayso wada hadal, Isla markaana u yeesho wax allaale wixii ay dalbadaan dadka Soomaalilaan oo ah in loo aqoonsado dawlad iyo dal madax-banaan, Maxay tani u taraysaa Somaaliya?, Jawaabta saxda ah waxaa ina siiyey Madaxweyne Farmaajo xili uu ka hadlaayey wada hadalada wuxuuna yidhi “…….wada hadal iyo wada xajood dhab ah lala galo oo lugu qanciyo wax allaale waxay raali ku yihiin si iyaga laftigoodu ay qayb uga noqodaan midnimada iyo horumarka Soomaaliya………”, Haddaba hadii ay sidaasi dhacaday, Waa Maxay hadalka odhanaaya In ay qayb uga noqodaan Midinimada iyo horumarka Soomaaliya?, Way fududtahay Jawaabta tani, Waayo waxaynu ognahay in Somaliland ay tariikh dheer iyo waayo aragnimo u leedahay Midnimada dadka iyo goboladeeda, khibradaas iyo waayo aragnimadaas oo ay u gudbiso walaalahooda Soomaaliyeed waa qayb ka ahaansho in horumar ay gaadho Soomaaliya, waana ta la odhan karo Farmaajo wuu ku hamiyeyaa in uu mar uun helo waayo aragnimada Somaliland, si uu dib u heshiisiin iyo midnimo uu ku gaadho horumar u dhex dhigo beelaha iyo gobolada uu madaxweynaha u yahay.

Soo koobid: Tani waa fikir markii aan si aqooneed u miisaamay hadaladii Madaxweyn Maxamed Cabdulahi Farmaajo uu ololaha ku geli jiray ee ku wajahnaa Soomaalilaan, in uu ka dhigaayo xalka mustaqbalka dhaw ee dalkiisa, taas oo Somaliland-na u noqonaysa Xidhiidh weji wanaagsan ku bilowda kuna dhamaada walaalo deri iyo jaar wanaagnimo ka dhaxayso.

la soco qeybta labaad.

ALLAH-MAHAD-LEH

W/Q: Xamse Baashe (Wiyeer yare)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com