Xiisadda Eritrea iyo Jabuuti oo cirka isku shareertay iyo arrin cusub oo soo baxda

Jabuuti (Caasimada Online) – Midowga Afrika ayaa ku baxay xiisada ka dhex aloosan Dowladaha Eritrea iyo Jabuuti kadib markii xadka labadaasi dal laga saaray ciidamada Qadar.

Midowga Afrika, ayaa Saraakiil u diray xadka labada dal kuwaa oo qiimeynaaya dhaqdhaqaaqa ay wadaan ciidamada labada dal ee Eritrea iyo Jabuuti.

Guddiga Midowga Afrika ee loo xilsaaray indha indheynta goobaha ay kala qabsadeen ciidamada Eritrea iyo Jabuuti, ayaa sheegay in muhiimada koowaad ay siin doonaan kala qaadista labada ciidan.

Afhayeen u hadlay Guddiga Midowga Afrika ee loo xilsaaray xalinta xiisada ayaa sheegay inay la kumi doonaan Madaxweynayaasha labada dal si ay ugala hadlaan xiisada ka dhex aloosan.

Waxaa suuragal ah in xadka kala qeybsha labada dal la geeyo ciidamo taabacsan Midowga Afrika, waxaana arrintaani lagu soo hadalqaadi doonaa kulanka ay Guddiga la qaadan doonaan labada Madaxweyne.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Eritrea ayaa kordhisay ciidamada ay geysay Xadka ay la wadaagto Jabuuti, waxaana sii xoogeysanaaya xiisada ka dhexeysa labada dal.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
Caasimada@live.com