XIISADDA KHALIIJKA: Madaxweyne Farmaajow dadka iyo dalka bad-baadi

Sida aad ka warqabto waxaa Somnaliya ku soo fool leh dhibaato aad u baaxad weyn oo ay soo wadaan Sacuudiga & Imaaraatka taasoo saldhigeedu yahay inaan la collowno dowladda Qadar oon waxba naga halleyn,  wax dhibaato ahna aysan naga soo gaarin xageda marna. Waxaa la ogaaday in Somalida ay yihiin dad wax kasta ay u beec yihiin xataa dhulkooda in lacag looga beddesho waa oggol yihiin, sida maanta muuqata.  Waxaana hadalkaan markhaati ka ah habdhaqanka ay ku socdaan Somaliland iyo Puntland markii la siiyay xoogaa lacag ah inay dalki iyo dadki wareejiyeen una fasaxeen Imaaraatka inay waxay doonto ka sameyso mar haddii madaxdi meesha ugu sareysay xoogaa doolara la siiyay.

Haddaba, si aan uga badbaadno dibindaabyada naloo maleegaayo waa inaan isku tashanaa oon tallaabo ka-hortag ah sameyno, waayoo waxaa jira xikmad carabi ah oo dheheysa CADAWGAAGA CAAQILKA AH WUXUU DHAAMAA SAXXIBKAAGA DOQONKA AH.  Maanta waxaan khatar ugu jirrnaa inay Somaliya ay burburiyaan Sacuudiga ioy Imaaraatka oo cadaawo aad u qoto dheer u qaba walaalahood Qatariyiinti oon wax dhibaato ah aysan u geysan, balse laga yaabo inay taageerto mucaaradka ka soo horjeeda dowladahaas oo ay ka taliyaan dad xakunka xoog ku heysta qofki ka soo horjeedana ay ka takhalusaan.

Waxaan joognaa maanta xiligi ay Somalida dhihi jirtay QAYLO DHAAN WARMO KAMA TUNMAAN cadawgi iridka ow joogaa awood aan isaga caabinno ma lihin…marka maxaa nala gudboon? Mudane M/weyne  waxaan qabaa inay noo furan tahay hal tallaabo oo u baahan in deg-deg loo qaado taasoo ah in heshiis laga galo dowladda Turkiga, laguna wareejiyo ilaalinta xeebeheena si ay uga horjoogsadaan ugana saaraan ciidamada Imaraatka ee raba inay qabsadaan xeebaha Saomaliya oo dhan.  Dalkaan adigaa Madaxweyne ka ah mana jirto cid kale oo ka gaari karta go’aan iyadoon dowladda dhexe oggolaan.

Waxaan kugu adkeynayaa inaadan marna ka shakinin adeegsida awooda dustuuriga uu dalkaanu ku siiyay, waxaana diyaar ah dad aqoon gaar ah u leh sharciyada adduunka, heegan ugu jira inay kaa saacidaan dhinac walba marka aad qaadato go’aankan geesinnimo ee dalka lgu badbaadinaayo intey goori goor tahay.

Somaliland ma jiri karto, dowladna ma naqan karto, taako ka mida dhuka Somaliya ma kireyn karaan mana wareejin karaan waxaana u diidaya sharciyada caalamiga ah ee adduunka lagu dhaqo…waryaa u sheega inaysan weligood noqoneyn dowlad madaxbanaan..kuwa hogaanka u haya waa ogyihiin arrintaan, laakin waa ku qaraabanayaan oo wixi ay gurubsan karaan ay qaadanayaan kaddibna waa iska baxaayaan markuu xalku xumaado.

T A L O O Y I N

  1. Waxaa loo baahan yahay inaad warqad dacwo ah u qorto Golaha Amniga Qaramada Midoobay adigoo ku doodaya inay dowladda Imaaraatka u soo xad-gudubtay xuduuda Somaliya ( violation of territorial integerity) kaddib markey heshiisyo baadil ah oon sharci ku fadhin la galeen Maamul Goboleedyo ka mid ah Somaliya oon wax awood ah u lahayn inay bixiyaan dhulkeena iyo xeebeheyna.
  2. Waxaan ku tali lahaa in dowladda TURKIGA la weydiisto inay noo tababarto CIIDAMADA BADDA oo tiro ahaan gaaraya ilaa 10,000 askari si ay magaalo xeebeed kasta saldhig ugu yeeshaan, una daafici karaan kheyraadki badeena oo la xaalufinaayo..waxaan leenahay xeebta ugu dheer Afrika oon ciidamo mariina lahayn…waa yaab!!!

3. Mudane M/weyne hadii loo baahdo waxan diyarinay Heshiiska lala geli karo Turkiga (draft agreement)  oo aad u cilmiyeysan haddii loo baahdo. Waana ognahay inaad awood u leedihiin diyaarinta heshiis noocaas ah laakin tani waa talo aan xumaan loola jeedin.

MADAXWEYNE FARMAAJO WAXAAN KAA SUGEYNAA TALLAABO DEG-DEG AH OO DADKA & DALKA LAGU BADBAADIYO.

W/Q: Cali Mubaarak

Afeef: Aragtida qoraalkan waxay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid