XIisadda Khaliijka: Ra’iisul wasaaraha Iraq oo qaaday tallaabo ka careysiineysa Sacuudiga

Baghdad (Caasimada Online) – Dowladda Ciraq ayaa qaaday tallaabo ay aad usoo dhoweysay dowladda Qatar, oo ay ku muujineyso sida ay dhex dhexaad uga tahay xiisadda ka dhex oogan dhowr dal oo carbeed iyo dalka Qatar, ee go’doominta lagu sameeyey.

Ra’iisul wasaaraha Ciraq Haider al-Abadi ayaa ku dhawaaqay inuu hakiyey booqasho horey uu u qorsheeyey inuu ku tago dalka Sacuudiga, si aan loogu arag inuu tagaeero u muujiyey dalka Sacuudiga iyo xulufadiisa.

“Waxaan baajiyey safarkeygii Sacuudiga si aan Ciraq loogu arag inay la safatay dalka Sacuudiga oo ay kasoo horjeedo Qatar” ayuu yiri ra’iisul wasaare Haider al-Abadi.

Abadi ayaa qorshuhu ahaa inuu dalka Sacuudiga kula kulmo boqor Salmaan-ka dalkaas, waxaana booqashada dib loogu dhigay illaaa toddobaadka dambe, waxaase macquul ah in mar kale dib loogu dhigo, haddii aan xiisadda xal laga gaarin.

Tallaabada ra’iisul wasaaraha Ciraq Haidar al-Abadi, ayaa waxaa soo dhoweeyey dowladda Qatar, waxaase la filayaa inay ka carreysiiso dowladda Sacuudiga.

Ciraq ayaa ka mid ah dowlado yar oo carbeed oo arrinta dhexdhexaad ka ah, oo aan la safan xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com