Xildhibaan Dalxa oo la taliyay Dowladda Federaalka weerarna ku qaaday Maamul Goboleedyada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ay aa si kulul uga hadlay isbarbar yaaca ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada.

Wuxuu ka digay in maamul goboleedyada ay la sinmeen dowladii Federaalka ayna lasoo baxeen awood la mida tan dowladda dhexe, taasoo saameyn ku yeelan karta jiritaanka iyo Madaxbanaanida Soomaaliya.

“Federaalka micnaha iyo ujeedka laga lahaa meel ka baxsan am aka sii duwan ayuu u muuqda inuu ku socda ama uu u dhaqan galayo, maanta awoodii dowladda dhexe iyo tii maamul goboleedyada mid siman ayay u muuqdaan, hadii dowlad kale xiriir la yeelan karto ama xiriirka u goyn karto maamul goboleedyada awood la mid noqoneysa dowladda dheexe soo ma noqoneyso”ayuu yiri Xildhibaan Dhalxa.

“Waa in dowladda Federaalka ay ka hadashaa dowladaha xadgudubka ku sameynaya Qaranimada iyo Madax bannaanida oo ay caalamka tusto dowladaha ku tumanaya shuruucda dalkeeda, ma aha inay xishooto” Xildhibaan Dhalxa.

Maamul goboleedyada dalka ayaa dhowaan sheegay inay taageersan yihiin isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ee xiriirka u jaray Qatar, iyagoo dowladda Federaalka ugu baaqay inay dib u eegto go’aankii ay ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka.