Xildhibaan Fiqi oo 3 su’aal ka keenay baxsashada Janan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada sida weyn uga soo horjeedo siyaasadda Dowladda Soomaaliya ayaa seddex su’aal ka keenay Baxasashada Wasiirkii Amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya markii horaba soo afduubatay Wasiir Janan aysana ogeyn halka lagu xiray, isagoo shaki geliyey nolosha Wasiir Janan.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Xildhibaan Fiqi soo dhigay bartiisa Facebook

Nin la soo afduubtey markii hore, guri aan la aqoon ku xirnaa, xaaladda uu ku sugnaa aan xitaa reerkiisii ka war-heyn, in maantay la yiraahdo waa fakadey, waxaa ka dhalanaya su’aalo badan!

1- Intaan naloo sheegin fakashadiisa, umadda haloo sheego xabsiga uu ku xirnaa, oo sidaas u fudud In laga baxsado?

2 – Yaa mas’uul ka ahaa wasiirkaas la soo afduubtey oo loo xilsaaray ilaaladiisa?

3 – Ma dhici kartaa In warkaan baxsashada ah loogu marmarsoonayo in la khaarijiyo, oo saacadaha soo socda ay Zakia mar kale noo sheegto asagoo sii baxsanaya ayaa askartii cayrsanaysay xabbado ay ku rideen ayuu u dhintey?

Wasiir Janan waxaa asagoo nool afduubtay dawladda federaalka, waxaa asagoo nool laga rabaa dawladda federaalka ah, Wixii intaas ka soo harey waa riwaayaddii raqiiska aheyd ee kooxda Villa Soomaaliya!