Xildhibaan Odawaa oo ka horyimid warbixintii guddiga kiiska Qalb-Dhagax

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in aanu aamisaneyn  in madaxda dowladda Federaalka ah aysan ka war hayn markii C/kariin Qalbi Dhagax loo dhiibayey dowladda Itoobiya.

Odawaa oo sidoo kale mid isbaheysiga isbaheysiga mucaaradka xukuumadda iyo kooxda Damu-Jadiid, waxa uu tilmaamay in dhiibistii Qalbi Dhagax ahayd qiyaano weyn oo qalad ah una baahan in la saxo.

Mar uu xildhibaan Odowaa soo hadal qaaday  arrinta ONLF ayuu soo jeediyey in haddii aan wax loo tari karin ururkaasi ay haboon  tahay inuu ka nabad galo dowladda waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa soo jeediyey in la ciqaabo cid walbo oo ka dambeysay dhiibista Qalbi Dhagax.

“Mudane guddoomiye sida ku cad warbixnta guddiga arrinta Qalbi Dhagax lifaaqyada sida ku cad wasaaradda amniga ma ogeyn, wasiirka cadaaladda waa ka diiday, hay’adda socdaalka ma ogeyn, hay’adda diyaaradaha ma ogeyn, cid la ogeyd madaxda sare ma jirin, waxaan rabaa in aan mas’uuliyadda laga gamban, waxaan rabaa inaan halkaan kasoo jeediyo ugu yaraan in dhiibista Qalbi Dhagax ahayd qiyaano weyn oo qalad ah in la saxana loo baahan yahay, ONLF haddii aan wax u tari karin  iney naga nabad gasho, iyada iyo Itoobiya haddii aan heshiisiin karno waa shaqo weyn oo la qabtay… waxaan aad iyo aad ula yaabannahay qof walbo oo baarlamaanka fadhiya ama shacabka Soomaaliyeed meesha uu rabo ha joogee ee madaxda ku difaaca dhiibista Qalbi Dhagax, ninkii walaalkaa loo xiirow adna berri soo qoyso waaye.. waxaan rabaa guddoomiye inaan ilaahay hortiisa ku marqaati furo inaan raali ka ahayn dhiibista qalbi dhagax, ogoleyn, dambi ay tahay, ayna tahay in la ciqaabo ciddii geystay, ma aaminsani iney hay’adda nabad sugidda tahay, ma aaminsani ineysan madax ogeyn, haddii aysan ogeyn waa musiibo, haddii ay ogaayeenna waa musiibo ka weyn”

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta go’aan ka gaaray arrinta Qalbi Dhagax kadib markii bishii August ay dowladda Federaalka dhiibtey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com