Xildhibaan Zakariye Xaaji Cabdi oo soo jeediyey arrin muhiim ah oo la xiriirta Qalbi-Dhagax

Muqdisho (Caasimada Online) – Xilibaan Zakariye Xaaji Cabdi oo shalay ka hadlay kulanka golaha shacabka ee arrinta Qalbi-dhagax ayaa soo jeediyay labo, mid an in la soo celiyo Cabdikarim Qalbi-dhagax iyo midda ah in aan qof dambe la dhiibin.

Xilibaan Zakariye Xaaji Cabdi ayaa sheegay in baarlamaanka laga rabo in ay warqad u qoraan Dowladda Ethiopia oo ay ku dalbanayaan sidii loo soo celin lahaa Cabdikiriin Qalbi Dhagax

Waxaan rabaa guddoomiye arrintan siday aheyd baa loo abaaray oo ah labo qodob oo ugu muhiimsan oo ah wixii la sameeyay in ay sharci-darro ahaayeen, sidaa darteed waxaa muhiim ah, waxaa la yiraahdaa caano daatay, dabadooda ayaa la qabtaa, talooyinka la soo jeediyay

  1. In marka ugu horeysa baarlamaanka go’aanka lagu daro, in dowladda Itoobiya baarlamaanka warqad u diraan, lagu soo celinayo, Maadaama xaq-darro dhacda hala soo celiyo waa in la yiraahdaa ama ciddii bixisay oo xukuumadda aheyd tiraahdaa hala soo celiyo, haddii wax naga dhaxeeyaan, daris ayaanu nahay, Maadaama qalad dhacay, Hala soo celiyo.
  2. Cid dambe oo Soomaali ah ama muslim ah in aan la dhiibin, cidii dhiibtaana ay dambiile tahay, taasina waa in ay noqotaa go’aan baarlamaanka soo saaro

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shalay go’aan ka gaaray arrinta Qalbi Dhagax kadib markii bishii August ay dowladda Federaalka dhiibtey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com