Xildhibaanada Aqalka sare oo go’aan ka gaaray sharciga Isgaarsiinta dalka ee dhawaan la hor geeyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – ildbhibaanada Aqalka sare ee dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansxiyey sharciga Isgaasiinta dalka oo dhawaan ay meel mariyeen xildhibaanada aqalka Hoose.

Wasiirka  Boostada iyo isgaarsiinta Eng. Canshuur ayaa dhawaan aqalka sare hor geeyey sharciga isgaasiinta dalka si loo ansixiyo sharcigaas oo uu wasiirka ku sheegay inuu yahay mid muhiim u ah Soomaaliya.

40 Senator oo ka soo qeyb gashay kulanka ayaa waxaa 39 ka mid ah ay ansixiyeen sharciga isgaarsiinta dalka, wuxuuna Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi  ku dhawaaqay in sharcigan uu yahay ansax.

Kaliya sharcigaan inuu hirgalo waxaa ka dhiman inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo saxiixo, wuxuuna noqon doonaa sharcigii ugu horeeyey oo ay ansixyaan aqalka Sare.