Xildhibaanada BF oo u xayiran R/W Kheyre iyo xukuumaddiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalbaday in si deg deg ah loo dhisaa golaha wasiirada cusub ee xukuumada Soomaaliya, maadaama lala daahay waqtigii la doonayay.

Mahad Cabdalle Cawad guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka ayaa ka dalbaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya inuu ku dhaqsado soo magacaabida golaha wasiirada, maadaama maalmo ay kaga harsan tahay waqtiga loo qabtay.

Xildhibaanada baarlamaanka ayuu sheegay inay ka qeyb qaadan lahaayeen u gurmashada dadka ay abaaraha ay saameeyeen iyaga oo ku laaban lahaa deegaanada laga soo doortay balse ay u xayiran yihiin xukuumada cusub.

Wuxuu sheegay in xildhibaanada ay dhowrayaan dhismaha golaha wasiirada kadibna ay ansixin doonaan haddii ay yihiin kuwo tayo wanaagsan leh, laakiin wuxuu sheegay inaysan hadda ka tagi karin magaalada Muqdisho.

Arinta ku aadan dadajinta magacaabidda golaha wasiirada ayuu sheegay inay kala hadleen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka si loogu gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaarta ay dhameysay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com