XIldhibaanada beelaha Daarood oo is-baheysi cusub sameysanaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socdo kala xod xodosho dhanka xildhibaanada baarlamaanka oo ay sameynayaan musharixiinta madaxweynaha u taagan.

Xogo aan heleyno ayaa sheegaya in xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda beelaha Daarood iney sameysanayaan isbaheysi cusub si ay awood ugu yeeshaan doorashada sanadkaan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xildhibaanada ay doonayaan inay noqdaan kuwo isku xiran oo lagu xisaabtamo codadkooda, islamarkaana u codeeya hal musharax oo ay isku raacaan.

Sidoo kale waxay doonayaan inay kala saxiixdaan mowqif adag oo ku aadan ugu dambeyn cidda ay codkooda siinayaan, taasi oo go’aan looga gaari dooba kulma dhacaya maalmaha soo socda.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada Puntland iyo Jubbaland qaarkood ay billaabeen qorshahan, hase yeeshee waxaa laga cabsi qabaa in ugu dambeyn la isugu dhaco musharaxiinta.

Xildhibaanada Puntland ayaa doonaya musharax kasoo jeeda deeganadooda in la isku raaco in codka la siiyo, sida Cali Xaaji Warsame iyo Saciid Dani, halka xildhibaanada kale ee Daarood ay qabaan fikrad kale.

Waxaa jira xildhibaan ku doodaya in musharaxiinta rajada leh codka la siiyo sida Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid. Lama oga sida ay arrintan ku dambeyn doonto

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com