Xildhibaanada BF oo ku gacan seeray ansixinta xeerkii kasoo baxay golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa qaadacay meelmarinta Xeerka Saxaafada ee dhawaan Golaha Wasiirada ku meel mariyeen shirkii ka qabsoomay magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Axmed ”Maxamuud Abuukaate” oo xubin ka ah Guddiga Warfaafinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Baarlamaanka uusan meel marin doonin Xeerka Saxaafada.

Waxa uu sheegay mar ay xiganeysay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho in xeerkaasi uu yahay mid ay ku jiraan qodobo mugdi galinaaya howlaha saxaafada.

Xildhibaanka waxa uu tilmaamay inay adag tahay meel marinta xeerka saxaafada waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in baarlamaanka uu diyaar u yahay keliya xeer ay ku qanacsan yihiin bahda saxaafada.

Golaha Wasiirada ayuu sheegay inay isla qaateen xeerka balse cida laga doonaayo in lamariyo ay tahay beerlamaanka Somalia oo aan dooneynin inay ku tiigsadaan saxaafada xorta ah ee dalka.

Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi, ayaa intaa raaciyay in Xildhibaanada badankooda ay difaac u yihiin saxaafada, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu marnaba shaqeyn doonin xeer ku tagri falaya Hay’adaha uu quseeyo.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa tilmaamay in baarlamaanka Somalia uu dib u eegis ku sameyn doono xeer weliba oo loo soo gudbiyo si ay uga baaraan dagaan qodobada aan la qaadan karin ee ku jira.

Dhinaca kale, Hay’adaha ku howlan arrimaha saxaafada ayuu ugu baaqay in ay guddi iska soo saaraan lana soo xiriiraan Guddiga Warfaafinta Baarlamaanka si ay uga wada doodaan qodobada ay cabashada ka muujinayaan ee ka midka ah xeerka saxaafadda ee Golaha Wasiiradu meel mariyeen.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com